Muddo ka badan toban sano, magaca DOCOL wuxuu astaan u noqday halbeega musuqmaasuqa qandaraasyada ka jira Gobolka Banaadir. Lacago malaayiin doolar ah oo aan tartan loo galin ayaa shirkaddan lagu aamminay, balse waxa laga dhaxley wadooyin cajiin ah oo raaca roobka iyo cagaha gawaarida.
Waxaa la xusuustaa eedaymaha shacabka ka imanayay sanadihii 2023 iyo 2024 markii wadooyin dhowr ah ay burbureen bilo kadib dhismihii DOCOL. In Gudoomiyaha gobolka Banadir Yusuf madaale uu difaacay fashilka muuqda iyo tayaxumada daran ee burburka wadooyinka, taas oo bulshada u xaqiijisay Waxa madaale uu u difaacay fashilka shirkad inuu ahaa musuqa Wadajir ka loogu dhacay dhaqalaha shacabka gobolka Banadir
Fashilka wadooyinka kaliya kuma ekaa. Dhowr jeer—ee waxaan usoo joognay 2013, 2016, 2021, 2024—milkiilayaasha guryaha gobolka oo lagu qasbay inay bixiyaan kumanaan kun doolar “qaaraan wado dhisid”, qofkii diidana xarig iyo cadaadis ayuu muteystay. Lacagtaas xoogga lagu soo qaaday halkii loo adeegsan lahaa wadooyin tayo leh, waxaa lagu celceliyay DOCOL oo mar walba fashilkeeda lagu abaalmariyo qandaraasyo cusub.waxa buuray aad aragtaana waa lacagtaas shacabka masaakiinta ah,
Muungaab sanadkan 2025, isla sheekadii ayuu sii waday: lacagahii qasabka looga qaaday shacabka ayuu qandaraas aan tartan loo gelin ku siiyay, shirkad fashilantay. Waxaase layaab ah wadadii uu sawirka kusoo galay Gudoomiye Muungaab ee uu yiri DOCOL ayaa idiin dhisaysa waataa saddex maalmood kaliya ku burburtay, xilli roob xitaa uusan imaan. Tani waxay noqotay astaan muujinaysa sida maamulka gobolka uu shirkaddan ula shaqeesanayo iyagoo lunsanaya dhaqaalaha gobolka,
Bulshada iyo warbaahinta gobolka ayaa hadda si cad u codsanaya:
• in qandaraasyada loo tartamo;
• in shirkadaha ku fashilma shaqadooda la maxkamadeeyo;
• in DOCOL iyo cidda la shaqeysay ay ka jawaabaan lacagihii ay qaateen.
Oktoober ayaa labadii sano ee la soo dhaafay arrinkan aad ayay iftiimisay, waxaana maanta muuqata in shacabka Banaadir ay ka soo kabteen cabsi iyo aamuso, una gudbeen isla-xisaabtan cad oo ay ka doonayaan maamulka gobolka iyo shirkadan fashilantay,
OKTOOBER Sanadkan musuqa dhismaha wadooyinka Waa ka gudubtay oo waxaynu diirada saari doonaa Musuqa shirkadaha la siiyay qandaraaska soo kabashada korontada soomaaliya ee lagu dhacay malaayiin doolar ah iyadoo Shirkada BECO tahay mida ugu horeysa ee hantida shacabka loo siiyay hab musuq ah,
[ Beco, shirkadaha korontoda iyo wasaarada Tamarta iyo Biyaha musuqa ku dhaceen hantida shacabka ayaan sanadkan xooga saari doonaa insha allah, waxana gaarsiin doonaa indhaha shacabka iney arkaan sida loo dhacaayo xoolahooda iyadoo sifo sharci eheen lagu maamulayo]
Xaquuqda shacabka iyo hantida qarankii waa muqadas