Kulanka jaaliyada Soomaaliyeed Munich,
Kulan muhiim ah ayaa shalay lagu qabtay magaalada Munich ee dalka Jarmalka, kaas oo looga hadlay caqabadaha ay wajahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka, gaar ahaan arrimaha magangalyada, aqoonsi la’aanta dukumentiyada Soomaaliyeed, qaadashada dhalashada Jarmalka, iyo dhibaatooyinka la xiriira shaqada iyo mideynta qoysaska. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay ee ay soo qabanqaabiso Jaaliyadda […]