April 24, 2026

Xaalada abaaraha soomaaliya oo laga deerinayo sanadkan 2026

Soomaaliya waxaa ka sii daraya xaalada abaarta sanadkan oo loo aqoonsaday musiibo bani’aadamnimo halis ah. Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ku dhowaad 6.5 milyan qof ay wajahayaan gaajo iyo baahi daran, iyadoo carruurta, haweenka iyo waayeelka ay si gaar ah ugu nugul yihiin nafaqo-xumo, macluul, hadana waxa lasoo warinayaa dhimasho la xariirta Gaajo iyo Biyo la’aan,

Maxaa abaarta sanadkan ka dhigay mid ka daran kuwii hore?

1) Biyo-yaraan baahsan, Roob la’aan iyo webiyadii meelaha qaar guray.
Warbixinno deegaanka iyo xogaha kormeerka biyaha ayaa muujinaya roob la’aanta iyo in heerarka webiyada Jubba iyo Shabeelle ay aad u hooseeya an, iyadoo meelo badanna la sheegay in webigu “guray/qalalay”. Tani waxay si toos ah u dhaawacday waraabkii beeraha, biyo helistii dadka, iyo nolosha xoolaha, taasoo keentay in deegaanno badan ay biyo la’aan looga barakacay.

2) Gargaar iyo maalgelin gudaha iyo dibada oo hoos u dhacday.

Hoos u dhaca maalgelinta gargaarka ayaa sababay in hay’adaha gargaar, oo ay ku jirto WFP, ay yareeyaan adeegyada ay bixinayeen. Hay’addu waxay ka digtay in gargaarka badbaadinta nolosha uu halis ugu jiro inuu sii yaraado ama xitaa joogsado haddii aan si degdeg ah loo helin dhaqaale iyo taageero cusub (Dowlada iyo caalamka).

3) Amni xumo iyo colaado sokeeye.

xasaradaha amni ee dalka sida kooxda khawaarijta iyo colaadaha ka jira meelo badan oo dalka ah ayaa sii adkeeyay gaarsiinta gargaarka, isu-socodka dadka, iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ah, taasoo xaaladda ka dhigtay mid sii murugsan.

4) Barakac sii kordhaya iyo culays ku kordhay magaalooyinka.

Qoysas badan ayaa ka soo qaxaya miyiga iyo deegaanada xoolo-dhaqatada/beeraleyda, waxayna ku soo qulqulayaan xeryo ku dhow magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan duleedka Muqdisho. Halkaas ayay kula kulmayaan dhibaatooyin hor leh: cuntadii oo qaliyoday iuo biyo yari, maciishad sare awgeed, iyo gargaar xaddidan ee goobta kajira, ayay isla yaalaan kuwii Muqdisho la Barakacay iyo Gobolada,

5) Digniinta IPC dirtay.

Qiimeynta IPC inta u dhexeysa bilaha Jannaayo–Juun 2026 ayaa muujisay in malaayiin qof soomaali ah ay gali doonaan xaalad cunto-yaraan ah, isla markaana la filayo in gargaarka caalamiga ah uu sii xaddidnaado sababo la xiriira dhaqaale-yari.hadaanan gargaar la helinna waxa dhici kara musiibo intaan kabadan, dowlada soomaaliya iyo caalamka baaq ayay u direen,

Walaaca ay bulsho ka muujisay farqiga u dhexeeya baahida jirta iyo muuqaalka madaxda sare ee dalal.

bulshada qaar ayay layaab ku noqatay muuqaalada warbaahinta laga siidaayay ee muujinaya mas’uuliyiin heerar kala duwan leh ee dowlada soomaaliya oo qabanaya munaasabado iyo afurro lagu qabtay goobo qaali ah, iyadoona lasoo bandhigayo cunnooyin heer sare ah lagu sameeyay maqaayado iyo Hoteel, kaaga darane isla warbaahinta ayaa dhinaca kale ka tabisay dhimashada “caruur iyo waayeel soomaaliyeed gaajo iyo biyo la’aan ugu dhintay gobolada dalka (25.02.2026), kadib markii qoysaskooda sameesay abaarta, Arintaan ayaana dhalisay su’aalo ku saabsan mudnaanta iyo sida loo wajaho masiibada.

warkayga waxan kusoo gebagebeenayaa ,Soomaaliya waxay gashay xaalad musiibo aad u daran oo u baahan gurmad caalami ah iyo dhaqaale-ururin degdeg ah, maadaama baahidu kor u kacayso, awoodda gudaha ee ka jawaabistuna ay xaddidan tahay. Waxaa loo baahan yahay in si wadajir ah loo xoojiyo gargaar degdeg ah, biyo iyo nafaqo, iyo qorshe xoogan ah oo lagu yareeyo saameynta abaarta.

Dadkeena badbaado ayay nooga baahanyihiin maanta

OKTOOBER-