April 24, 2026

Burburin iyo boos cabir lagu bilaabay isbitaalka xooga dalka

Maanta waxaa la bilaabay cabbirka iyo burburin lagu sameynayo Isbitaalka Ciidanka Xooga Dalka, oo ah xarun caafimaad oo waayadan si gabaabsi ah u shaqeyneysay. Muddo dheer isbitaalku wuxuu la daalaa dhacayay dayactir la’aan iyo adeeg caafimaad oo tayo liita, iyadoo ay soo dhaawacmaan askarta xooga dalka oo la dagaallama khawaarijta. Halkii laga filayay in Dowladda Soomaaliya dayactir ku sameyso isbitaalka, qalab iyo dhaqaatiir tayo lehna ku kordhiso, waxaa lagu dhiirraday in la xaraasho, laguna daro dhulkii Tarabuunka ee hore looga iibiyay ganacsato.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xooga Dalka, Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa xil wareejintiisii ku yiri: “Ugu yaraan waxaan ku dadaalnay inaan xafidno hantida iyo amaanada ciidamada xooga dalka.” Hadalkaas wuxuu muujinayay in taliyaha waqti iyo juhdi ku bixiyay difaaca hantida maguurtada ee ciidanka hasse yeeshee uu xilkiisii ku waayay,

Sidoo kale waxa xusid mudan in taliyuhu uu goobta ka sheegay inaanu isbitaalka xooga ku filneen dhaawacyada ciidamada xooga dalka oo cdiianku dhaawacyadiisa geeyo isbitaaladakale dowlada iyo private inta, taasoo ka dhigan in muhiim tahay in la dayactiro isbitaalka lana helo isbitaalo kale oo gaar u ah ciidamada,

Taliye odawa waxa uu marqaati gashtay wasiirka caafimaadka oo goobta fadhiyay waxa uuna sheegay in dhowr jeer waraaqado u diray wasaarada caafimaadka oo uu ka dalbaday inay kala shaqeeyaan tayeynta isbitaalka xooga dalka, sidoo kale dhaawacyada dibadda loo qaado ee dhibaatada xoogan ka haysto xal loo raadiyo taasoo ka dhigan in uu tayeynta kaga badbaadi Karo ciidamada xooga dhawacyadooda ee diyaaradaha lagu qaado iyagoona dayac Kala kulma,

Bilo kahor, intaana xilka Laga qaadin Taliyahii hore Janaraal Odowaa Yusuf, iskahor imaad ayaa dhexmaray ciidamada Booliiska iyo Militariga kaasoo ka dhacay degmada wadajir, xaafadda Buuloxubeey iyo agagaarka Villa Baydhabo, waxaa lagu sheegay mid la xiriiray difaac ay ciidamada militarigu ka galeen dhulkooda oo la iibiyay, Janaraal Odowaa ayaana waqtigaa lagu eedeeyay inuu kahor yimid dowlada oo iibisay dhulkaas, waana mida la rumeysan yahay in xilka laoga qaaday. haddase waxa muuqata in bixitaankiisa kadib Taliyaha ay sahlanaatay in lagu dhiirado iibinta xarumo ciidan oo muhiim ah sida isbitaalka xooga dalka oo saakay lagu bilaabay boos naqshadeen.

Maanta, haddii isbitaalkii ciidanka la xaraasho oo lagu beddelo dhismooyin ganacsi waxay noqonaysa“hanti qaran oo loo rogay dan shaqsi.” Xeerka iyo caqliga saliimka ahi ma aqbali doono in xarun caafimaad oo muhiim u ah askarta dhaawaca ah loo beddelo ganacsi. Dowlad kasta oo timaadda mustaqbalka waxaa waajib ku ah inay dib u eegto go’aannada noocaas ah, isla markaana hubiso in hantida loo celiyo hay’addii lahyd.

Cabsida kale ee jirta waxay tahay in isbitaalku la xaraashay uu ku dheggan yahay Qabuuraha Qaranka, halkaas oo ay ku aasanyihiin kumannaan shacab iyo masuuliyiin qaran, oo uu ka mid yahay madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda, Mudane Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Su’aashu waxay tahay: haddii maanta la iibiyo isbitaalka, berri ma la dhowri doonaa qabuuraha madaxda qaranka iyo goobahaasi taariikhiga ah? ( u malayn maayo).

Ugu dambeyn, arrintani ma aha oo kaliya muran ku saabsan dhul; waa imtixaan ku saabsan ilaalinta hantida qaranka iyo xurmada taariikhda. Haddii aan laga fiirsan, laba ayay noqon doontaa iyagana sidaas ayaa beri loo boobi doonaa loona bahdili doonaa, ama sharciga ayaa loo noqon doonaa oo madaxda maanta joogta ayaa berri lala xisaabtami doonaa.

OKTOOBER-Media