Wararka kasoo baxaya deegaanka Gubadley ayaa muujinaya xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo sii cakirmeysa, kadib markii Jeneraal Saneey Cabdulle uu diiday in xeradiisa lagu soo dejiyo ciidamo gaaraya 2,000 askari oo uu watay sargaal sare oo ka socday dowladda federaalka Soomaaliya. Ciidamadan oo si buuxda u qalabeysnaa ayaa ugu dambeyn degay meel aan ka fogeyn xerada uu ku sugan yahay Saneey iyo ciidankiisa.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid xambaarsan fariimo siyaasadeed oo culus, isla markaana muujinaysa kalsooni darro u dhaxeysa dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada. Diidmada Saneey Cabdulle waxay tilmaamaysaa in uu jiro shaki ku saabsan ujeedka dhabta ah ee ciidamada la keenay, iyadoo aan si cad loo shaacin qorshaha howlgal ee ay wadeen.
Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata mid qaadaysa tallaabooyin istaraatiiji ah oo ay ku xoojinayso amniga, gaar ahaan xilli la filayo in ay dhacdo isbeddel siyaasadeed oo muhiim ah, sida 15-ka May, oo lagu wado in madaxweynaha hadda talada haya uu sii joogo kursiga. Sidaas darteed, keenista ciidamo dheeraad ah waxay noqon kartaa isku day looga hortagayo kacdoon ama falal hubeysan oo ka dhan ah dowladda.
Arrintan ma aha mid cusub, maadaama dowladda horey ugu dhaqaaqday in ay ciidamo dul dhigto siyaasiyiin iyo saraakiil ay u aragto kuwo halis ku ah xasilloonida. Sidoo kale, waxaa socda isbeddello lagu sameynayo hoggaanka sare iyo dhexe ee ciidamada, taasoo la rumeysan yahay in lagu sifeynayo saraakiil aan si buuxda ula safnayn siyaasadda dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabooyinkan waxay keeni karaan saameyn ballaaran oo ku saabsan midnimada ciidamada iyo kalsoonida shacabka. Haddii aan si taxaddar leh loo maareyn, waxay abuuri karaan kala qeybsanaan gudaha ah oo sii fogeysa xasilloonida dalka
@OKTOOBEE MEDIA