April 24, 2026

Suuqa bakaaraha qayba kamida ayaa u xiran cashuuro dheeriya ee lagu soo rogay

Qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo maalinkii labaad xiran, ganacsatada oo ka cabanaya canshuuro sharci darro ah

Muqdisho – Qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qaybaha lagu iibiyo maacuunta iyo badeecooyinka bagaashka, ayaa maalinkii labaad xiran, kaddib markii ganacsato ay sheegeen in lagu soo rogay canshuuro sharci darro ah iyo lacago laaluush ah oo ay dalbanayaan saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, gaar ahaan xafiiska dakhliga.

Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay in howlgalka lagu xiray suuqa uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Afrax oo ka tirsan xafiiska dakhliga, isla markaana ay qaraabo yihiin Agaasimaha Dakhliga, Feysal Xaashi. Waxay sheegeen in labadii sano ee la soo dhaafay ganacsiga Gobolka Banaadir lagu hayay cadaadis iyo cashuur kordhin aan sharci ahayn.

Sidoo kale, ganacsatada suuqa ayaa tilmaamay in Cabdirashiid Cagmadhige, oo ay sheegeen inuu adeer u yahay Madaxweynaha Soomaaliya, uu ka mid yahay saraakiisha ku lugta leh arrintan, isla markaana uu qaadayo lacago sharci darro ah weliba si qasab ah. Qaar ka mid ah ganacsatada ayaa intaas ku daray in jir-dil, hanjabaad iyo xarig loogu goodiyay.

Ganacsatada ayaa sidoo kale ka cabanaya saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ee loo soo magacaabo suuqa, kuwaas oo ay sheegeen inay si joogto ah u dalbadaan lacago baad ah.

Ganacsatadu ayaa ugu baaqay maamulka Gobolka Banaadir, hay’adaha garsoorka iyo Wasaaradda Maaliyadda inay si degdeg ah u soo farageliyaan xaaladda adag ee heysata ganacsigooda.

Afartii sano ee la soo dhaafay, Suuqa Bakaaraha wuxuu ahaa mid marar badan la xiray, sababo la xiriira gadood ganacsato ama awaamiir ku saabsan bixinta iyo diidmada lacago lagu muransan yahay (ha ahaato cashuur ama baad) taasoo doodeedu gaatay xafiisyada ugu sareeya dalka,

@OKTOOBER-MEDIA