Kulan muhiim ah ayaa shalay lagu qabtay magaalada Munich ee dalka Jarmalka, kaas oo looga hadlay caqabadaha ay wajahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka, gaar ahaan arrimaha magangalyada, aqoonsi la’aanta dukumentiyada Soomaaliyeed, qaadashada dhalashada Jarmalka, iyo dhibaatooyinka la xiriira shaqada iyo mideynta qoysaska.
Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay ee ay soo qabanqaabiso Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Munich, ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan bulshada Soomaaliyeed, qareenno iyo wakiillo ka socday hay’adaha Rechtshilfe München iyo Bayerischer Flüchtlingsrat, kuwaas oo ka shaqeeya taageerada sharciyeed, difaaca xuquuqda qaxootiga, iyo arrimaha la xiriira magangalyada iyo socdaalka.
Kadib is-xogwaraysi dhex maray bulshada, waxaa la dhageystay warbixinno ay soo jeediyeen sharciyaqaanno ku takhasusay arrimaha qaxootiga iyo socdaalka, kuwaas oo ka tarjumayay xaaladaha iyo caqabadaha ay la kulmaan Soomaalida ku nool Jarmalka. Qareennadu waxay sidoo kale ka jawaabeen su’aalo badan oo ay si toos ah u weydiiyeen ka qaybgalayaashu, iyagoo bixiyay talooyin iyo xog muhiim ah oo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha jira.
Ka soo qaybgalayaashu waxay si weyn u soo dhaweeyeen kulankan muhiimka ah, iyagoo uga mahadceliyay Hay’adda Rechtshilfe München taageerada xooggan ee ay ka bixiso talooyinka sharci ee la xiriira arrimaha socdaalka, magangalyada iyo xuquuqda dadka ajaanibta ah.
Sidoo kale, waxay uga mahadceliyeen Golaha Bayerischer Flüchtlingsrat dadaallada uu ugu jiro difaaca iyo horumarinta xuquuqda qaxootiga ee gobolka Bavaria, isaga oo muhiimad gaar ah siinaya ilaalinta xuquuqdooda iyo hagaajinta xaaladdooda nololeed ee bulshada kala duwan ee gobolka.
Sawirada









Subax wanaagsan
SAIM