Munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo Beri ka Dhaceysa Muqdisho
Magaalada Muqdisho ayaa beri martigelin doonta munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, taas oo sanad walba 21 November lagu maamuuso kaalinta macallimiintu ku leeyihiin horumarinta bulshada iyo korinta jiilka mustaqbalka.
Munaasabaddan oo ka dhici doonta Stadium Muqdisho ayaa waxaa ka soo qayb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Wasiirka waxbarashada iyo masuuliyiinta hay’adaha waxbarashada dalka , kuwaas oo jeedin doona khudbado dhiirigelin iyo bogaadin u badan.
Waxaa sidoo kale lagu casuumay ku dhowaad 80,000 arday, kuwaas oo ka kala imaanaya iskuullada kala duwan ee magaalada Muqdisho. Ardayda iyo macallimiinta ayaa loogu diyaariyey barnaamijyo wacyigelin, mahadnaq iyo abaabul kor u qaadaya muhiimadda waxbarashada.
Sidoo kale, aqoonyahanno Soomaaliyeed iyo madaxda qaranku waxay ka hadli doonaan:
• Doorka macallinka ee bulshada
• Caafimaadka iyo tayeynta waxbarashada
• Horumarka dhalinyarada Soomaaliyeed
Inkastoo munaasabadan sanad kasta si heer sare ah loogu qabto dalka hadana diyaar garowga sanadkan ayaa dib u soo nooleyneysa xusuus 20 sano ka hor, xilligii sidaan oo kale stadium Muqdisho loogu qabtay munaasabad weyn oo lagu maamuusayey macallimiinta, taas oo ay hoggaaminayeen madaxda hay’adaha waxbarashada iyo macalimiinta iskuullada caasimadda. Waxaa dadkaasi ka mid ahaa madaxweynaha haatan talladds haya ee Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wasiirka waxbarashada, Faarax Abdukadir , oo qayb libaax ka qaatay u dabbaaldegga maalinta macallinka.
Munaasabadda berri la filayo ayaa lagu wadaa inay noqoto mid dhaxalgal u ah macallimiinta Soomaaliyeed, isla markaana kor u qaadda qiimaha waxbarashada ee bulshada. Iyadoo ay hogaaminayaan macalimiintii hore oo ah madaxda dalka iyo hay’adaha waxabarashada ,
Munaasabaddan taariikhiga ah waxay mar kale dib u xusuusinaysaa kaalintii sharafta lahayd ee macalimiintii hore, kuwaas oo maanta hoggaamaya qaranka, iyaga oo xilliyadii ay tabarta yareyd weli ku qabtay bandhigyo waaweyn oo qaran oo ka dhacay caasimadda 20 sano ka hor.
Waxaa ay sidoo kale noqotay tusaale cad oo muujinaya isbeddelka muuqda ee dalka iyo heerka uu marayo habka soo kabashada dowladnimada Soomaaliya. Munaasabaddan ayaa muujinaysa sida waddanku uga soo gudbay duruufihii adkaa iyo sida ay u soo xoogaysteen hay’adaha dowladda iyo isku duubnida bulshada.
Macalinka soomaaliyeed, xaquuqdiisa rasmiga hala muujiyo sanadka xiga, waa Tallada OKTOOBER.