Helsinki, Finland 03.11.25 – Waxgaradka, aqoonyahanka iyo bulshada reer Galmudug ee ku dhaqan dalka Finland ayaa si rasmi ah Abdulkarim Kaarshe ugu doortay Guddoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Soomaalida Galmudug, kadib kulan ballaaran oo lagu qabtay magaalada Helsinki, kaas oo lagu doortay hoggaan cusub oo mideeya bulshada.

Go’aanka lagu doortay guddoomiyaha ayaa yimid kadib wadatashi dheer oo ay sameeyeen odayaasha, haweenka iyo dhalinyarada jaaliyadda, kuwaas oo ku heshiiyay in la dhiso jaaliyad mideysan oo loo wada dhan yahay, si kor loogu qaado wadajirka, horumarka, iyo matalaadda dadka reer Galmudug ee ku sugan dalka Finland.
Khibradda iyo adeegii bulshada
Guddoomiyaha cusub, Abdulkarim Kaarshe, ayaa ah shaqsi caan ka ah bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca hoggaaminta iyo adeegga bulshada, waxaana lagu xasuustaa shaqooyinkii uu kasoo qabtay hay’adaha dowliga ah sida Hay’adda Socdaalka Soomaaliya (Immigration) iyo sidoo kale safaaradaha dibadda, halkaas oo uu muddo toban sano ah kasoo shaqeynayay.
Sidoo kale, Abdulkarim waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii iyo aqoonyahannadii firfircoonaa ee ka qaybqaatay ururrada Soomaalida ee dalalka Scandinavia, isagoo noqday mid kamid ah hogaanka ururada bulshada ee Soomaalida ku nool waqooyiga Yurub.

Waxgaradka iyo jaaliyadda reer Galmudug ee Finland ayaa sheegay in doorashadiisa ay tahay talaabo lagu xoojinayo midnimada iyo horumarka bulshada, iyagoo u rajeeyay guddoomiyaha cusub guul iyo hufnaan shaqo.
Mid ka mid ah xubnihii kulanka ka hadlay ayaa yiri:
“Abdulkarim waa nin lagu kalsoon yahay, waana hogaamiye bulshada wax badan u qabtay. Waxaan rajeyneynaa in uu si cadaalad ah ugu adeego dhammaan reer Galmudug ee Finland.”
Jaaliyadda cusub ee Galmudug ee Finland ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ku dhawaaqdo guddiyo hoosaadyo iyo qorshe shaqo oo lagu hormarinayo adeegyada bulshada, isdhexgalka, iyo taageerada dhalinyarada