April 6, 2026

Agaasime Cuusb ayaan loo Magacaabayaa hay,adda Socdaalka iyo jinsiyada soomaaliya,

Xogaha soo baxaya muqdisho ayaa sheegaya madaxweynaha soomaaliya ayaa sameyn doona isbedelo siyaasadeed ka dhan ah hay’adda dowlada si loo qaboojiyay xaalada siyaasada ee dalka, loona yareeyo awooda isbahaysiga mucaaradka ee Garoowe ku isugu imanaya,
Dhinaca kale Xildhibaan jacfar Abuukar ayaa magaalada muqdisho dib ugu soo laabtay isagoona horey u gudbiyay CV-gii labaad ee uu keensaday shaqa doone raadinaya maamulka sare ee hay’adda sodaalka iyo Jinsiyadaha soomaaliya,
Arinkaa ayaa lagu tilmaamay fulinta ballamahii hore wada-galeen madaxwyanaha iyo xildhibaanka iyadoo kulankii Raisul wasaaraha iyo xildhibaan jacfar uu ahaa mid hoosta looga xariiqay hay’adda socdaalka in uu u keeno cid buuxin karta,
Inkastoo villa soomaaliya xal u aragto meeleenta xildhibaanka,hadana waxa jira soo-jiidasho iyo ballan qaadyo ka imanaya dhanka siyaasiinta mucaaradka ee ku tartamaya kursiga madaxweyenaha soomaaliya oo usoo jeediyay Xildhibaanka inaanu qaadan sanuudyar ee uu dhankooda soo xoojiyo, taasoo ka dhigan in Xildhibaan la tusay sanad kadib noqon karo wasiir buuxa,
Agaasime Mustaf Dhuxulow oo isagana culeesaad siyaasadeed dareemaya,kana warhaya dhaq dhaqaaqa socda ayaa social media ku kusoo daayay dhalinyaro aad ugu amaaneysa shaqo wanaagiisa intii uu joogay, taa ayaana muujinaya in agaasimuhu uu ku jiro sakaraad siyaasadeed,
Gebagebadii,xildhibaan Jacfar oo saacado kahor dib ugu soo laabtay magaalada muqdisho ayuu safarkiisa ku wehlinayay mid kamida shaqsiyaadka loo doonayo jagadan,
Aragaane, reer london ka qaad reer london kale u dhiib ayay kusoo dhamaan doontaa hay’adda sicdaalka,