Waxa dhowaan maxkamad lasoo taagi doonaa Abuukar Sheekh Axmed oo ahaa Agaasimahii hore ee Furdooyinka, kaasoo dhowaan uu xilka ka qaaday wasiirka Wasaarada Maaliyada dowlada Faderaalka mudane Biixi Iimaan,
Dacwadan dhowaan lagu qaadi doono Abuukar sheekh axmed ayaa ah eedo kayimid Abdulaahi raage isagana ka tirsan xafiiska dakhliyada wasaarada maaliyada kaasoo kusoo eedeeyay in laga been abuuray,
Dhowr bilood kahor saxaafada geeska Africa iyo soomaaliya qaar kamida ayaa qoray warbixin shegeysa qabashada saragaal ka tirsan soomaaliya alacago dhaqis ku howlanaa lagu qabtay Garoonka Kampala,
warbixintan oo aad la faahfaahiyay ayaa lagu yiri “Dalka Uganda ,Garoonka Diyaaradaha Entebbe International Airport ee magaalada Kampala ayaa lagu qabtay Abdulaahi Raage oo ah sargaal katirsan wasaarada maaliyada dowlada soomaaliya kaasoo sitay boorso lagu soo cabeeyay boqolaal kun doolar, isagoo diyaarad kala soo raacay aden adde airport soomaaliya,
Warbixintaas faaftay ayaa sababtay in xilka laga qaado Agaasime Abuukar Sheekh Axmed kadib markii Abdulahi Raage uu tuhmey in agaasimaha yahay cida xogtiisa lacag dhoofinta ah uu dusiyey sarakiisha airportka kampala oo ah halka lagu xirey ee lacagta looga reebtay,
Abdulaahi Rqage oo kaashanaya saaxiibkii Feysal xaashi oo ah agaasimaha dakhliyada qaybna ka lahaa lacagaha kampala lagu qabtay ( sida xogtu sheegeyso) ayaa wasiirka maaliyada Mudane Biixi iiman ku qanciyay in xilka laga qaado agaasime Abuukar Axmed kadibna lasoo eedeeyo, taasoo lagu guuleystey,
Agaasimaha isla asbuucaas xilka laga qaaday ayaa qof kale loo magacaanay, madkamadaha dalkana eed iyo dacwada ka dhan ah Abuukar ayaa geeyay taasoo iminka ballanteedu timid, dhowaan ayaana la dhegeysan doonaa eedaha loo heysto,
Rag isku qabiil ah xafiis wada joogo iney muwaadin soomaaliyeed beegsadaan iyagoo ku ciil baxaya lacagahii dhaceen dowlad kale la wareegtey waa ayaan darro, triikhdana kama bixi doonto dhacdadan,
Su’aashu waxa ay tahay hadii kiiska dacwada ah lagu waayo Agaasime Hore Abuurkar sheekh xilkiisa sidii miyuu ku waayay mise waa loo soo celin doonaa,
Dhinaca kale hay’adaha socdaalka iyo lacag dhaqista dalka uganda iyo booliiska cadeymo kama keeni doonaan baarayasha kiiska mise been abuur iyo aa la yiri ayay garsoorka soomaaliya dacwadan ku qaadi doonaan,
Xasuusin
Ragaan agaasimaha xilka ka qaaday ee soo dacweeyay waa shaqsiyaadka shirkadaha ganacsiga baad ka qaada iyagoo ugu awood sheeganaya cashuuraha idinka cafineynaa, sidoo kale ragani waa shaqsiyaadka wasaarada maaliyada ku qanciyay adeegyada dowlada shirkado gaara loo xiro kadibna %30 komishan ah lagu qaato, iyadoo dowlada adeegaasi bixin kartay bixina jirtay, waa raga santiyaal iyaga u gaara saartay lacagaha kirada ee laga qaado guri kasta ee Muqdisho ah, wana raga uganda ka dhacday Lacagta iyagoo tahriibinaya,
Oktoober