Xoga hoose ee kasoo baxaya laamaha amniga dowlada ayaa sheegaya in Habeenka arbacada la qorsheeyay weerar ciidama dowladu ku qaadi doonaan saraakiil hore ee dagan dhulka Somali airlines ee dhaca xeendaabka airportka muqdisho ,
weerarkan laga cabsida qabo ayaa imanaya kadib markii saraakiisha hore dowlada ee halka degen ka dhega adeegeen isaga guuraan dhulka dowlada oo ah mid aad loogu baahanyahay xiligan waa sida sheegtey dowlada soomaaliye,
Weerarkii dhowaan lagu qaaday guriga janaraal sheegoow allah u naxariistee,7:00 maqribnimo ayuu bilowday 9:30 subaxnimo ayayna ciidamada dowladu soo afjareen , howlgalkaasi dhowr qofood oo uu wiilkiisa kujiro ayaa ku baxay weerar kaa,iyo qaar kamida ciidamada dowlada,
Weerarka lagu soo qaban doono Labada Janaraal iyo Kornaylka ( Gaafoow, Tuuryare iyo Koofi) waxa u dhacaya habeen Arbaco saacadu marka ay tahay 5:00 aroornimo iyadoo abaabulka howlgalkani bilaaban doono saqda dhexe habeenimo,
ciidamada fulin doona howlgalkan waa ciidan isku dhaf , Haramcad, Boolisiyo Milataariyo, Nisa Iyo Guutada gaarka madaxweynaha , laba sargaal howlahan caan ku ah ayaa loo xil saaray hogaaminta howlgalkan,
Rag bus leh oo tunka laga haayo miyaan arki doonaa mise waa is dhiibi doonaan Oktoober ma xaqiijin karto balse dabaqyada waxba kasoo taagan cara tuurna waa socday maalmahan,
Xasuusin gollaha wasiirada faderaalka dhowaan ayay ansixiyeen sharci dhulkan loogu hibeeyay Safaarada Sacuudiga, Qasriga uu degi doono Raisul Waaaaraha Ahlu diinka Hamza Barre, iyo Mahadkii lamahdiye Qaarigiisa labaad ayuu noqonaya dhulkan la isku dagaali doono,
cabsi xoogan ayaa laga soo warinayaa dadka degan agagaarka xaafadaha dhaca airportka Muqdisho gaar ahaan xaafada Buuloxubeey iyo dadka musaafirka ah ee adeegaada garoonka aden adde airport,