April 6, 2026

Askari Tuug ah oo Lagu Qabtay Xatooyo Moobilo ay Leeyihiin Dhaqaatiir Soomaaliyeed

Muqdisho – Waxaa maxkamadda ciidamada la horkeenay askari lagu eedeeyay inuu si xirfad leh u xaday laba moobil oo ay lahaayeen dhaqaatiir ka howlgalayay isbitaallada Banaadir iyo Samakaal ee magaalada Muqdisho.

Askarigan, oo hore ugu soo qalin jabiyay dugsiga sare ee dalka Kenya, ayaa la sheegay inuu markii dambe ku biiray ciidanka Soomaaliya. Sida lagu arkay muuqaalada CCTV-da, ninkani waxa uu si qorshaysan ugu dhaqaaqay fal xatooyo ah oo uu ka fuliyay gudaha isbitaalada.

Falalka Xatooyada

Warbixinta booliiska ayaa muujisay in tuugga uu markii hore galay isbitaalka Banaadir isagoo iska dhigay qof booqanaya bukaan. Markuu gudaha u galay, si toos ah ayuu u aaday qolka dhaqtarka oo markaa suuliga galay si uu weyso ugu sameeyo. Daqiiqad gudahood ayuu halkaas ka soo qaatay moobilkii dhaqtar ku sugnaa qolkaas.

Intaa kadib, wuxuu u dhaqaaqay isbitaalka Samakaal halkaas oo uu markale xaday moobil kale oo uu lahaa dhaqtar nasasho ku jiray. Sida lagu sheegay dacwada, tuugga ayaa mobile-ka koowaad ku iibiyay $50 doolar, halka kii labaad uu ku siiyay $30 doolar.

Qirashada Dambiga iyo Codsiga Cafiska

Askari tuugga ah ayaa qirtay dambiga xatooyada ah ee lagu soo eedeeyay.waxa uuna sheegay in uu ku dhacay cudurka sonkorta intii ku jirey xabsiga ( ha iska key cafiyaan walaalahey ) Tuuga Walaashiis ayaa labada dhaqtarka ee la xaday ka codsatay inay cafiyaan walaalkeed, iyadoo sheegtay inuu yahay askari agoon ah, madına ah oo mushaarkiisu yahay $200 doolar bishii, isla markaana haddii la xukumo ay qoysku dhibaato weyn dareemi doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, dhaqaatiirta dhibbanayaasha ah ayaa ku adkaystay inay doonayaan in caddaalad la helo iyo in lagu xukumo si waafaqsan sharciga.

Talo iyo Digniin Amni

Warbixinta dhacdadan ayaa fariin adag u tahay maamulka isbitaalada dalka, gaar ahaan kuwa ku yaal caasimadda Muqdisho. Waxaa lagula taliyay in:

  • Lagu adkeeyo nidaamka booqashada bukaannada.
  • La diiwaangeliyo magacyada dadka soo booqanaya iyo qolka ay u socdaan.
  • Laga qaado aqoonsi (ID) dadka soo galaya si looga hortago falal amni-darro ah.

Amniga bukaannada iyo dhaqaatiirta waa lama huraan, waxaana dhacdadan laga baran karaa in tuugada iyo fallaagadu ay mararka qaar adeegsadaan xeelado aan la filayn si ay u fuliyaan dambiyo.

Dhacdadan ayaa mar kale xasuusinaysa muhiimadda ay leedahay feejignaanta iyo ilaalinta goobaha caafimaadka. Isbitaalku waa meel nolol lagu badbaadinayo, mana aha meel ay ka dhacaan xatooyo ama falal amni darro ah