May 31, 2026

“Ballan-qaad Saliid Qodis ah oo aan Meel iyo Waqti Toona Lahayn”

“Sanadka soo socda 2026 ayaan shidaal qodaynaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre. Hadalkaas ma aha mid cusub oo ku soo kordhay dhegaha shacabka Soomaaliyeed, balse waa silsilad ballan-qaadyo ah oo muddo sanado ah is daba joogay, mid walbana kii ka horreeyay ayuu ku buray.

Wasiirkii hore ee Batroolka wuxuu horay u sheegay in Oktoobar 2023 la bilaabi doono qodista shidaalka. Markii taas ay rumoobi weyday, hadalkii waa la beddelay, wuxuuna yiri Abriil 2024 ayaan qodaynaa. Wareysi kale ayuu ku adkeeyay in Oktoobar 2024 ay tahay kama dambeys. Taasi iyaduna ma dhicin.

Markii wasiir cusub la magacaabay, wuu ka leexday dhammaan ballan-qaadyadii hore, halka Madaxweynaha uu ku dhawaaqay in 2025 la bilaabi doono qodista shidaalka. Haddaba 2025 waa dhammaatay, wax qodis ahna ma jirto. Maanta, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu mar kale shacabka u ballan-qaaday 2026—isla hadalkii hore, isla qaabkii hore, balse aan lahayn wax faahfaahin ah.

Su’aasha taagan waa: xaggee? goormee? sidee?

Ma jirto meel cayiman oo la sheegay in shidaal laga qodayo. Ma jiro jadwal rasmi ah oo la shaaciyay. Ma jiro qorshe farsamo, mid sharci ama mid amni oo si cad loo soo bandhigay. Xitaa miisaaniyadda dowladda ee dhowaan la ansixiyay kama muuqato kharash la xiriira diyaargarow qodis shidaal—taas oo muujinaysa in arrintu ay ka badan tahay hadal saxaafadeed.

Qodis shidaal ma aha arrin lagu maamulo hal-ku-dhegyo iyo ballan-qaadyo siyaasadeed. Waxay u baahan tahay qorshe qaran, heshiisyo hufan, sharciyo la isku waafaqsan yahay, amni sugan, iyo maalgelin muuqata. Midkoodna maanta lama arko.

Marka ballan walba la jebiyo, tan xigta kalsoonideedu way sii yaraanaysaa. Dadka in marar badan been loo sheego waxa ay caadi ka dhigtaa niyad-jab iyo kalsooni darro guud. Haddaba su’aasha muhiimka ah waxay tahay: ma la dhihi karaa beenta joogtada ah waxay sababtay in dadku ka daalaan su’aal weydiinta iyo xisaabtan dalabka?

Haddii dowladda dhab ka tahay qodista shidaalka, shacabka waxay u baahan yihiin wax ka badan “sanadka soo socda.” Waxay u baahan yihiin xog, caddeyn, iyo daahfurnaan. Intaas la’aanteed, ballan-qaadka 2026 wuxuu u egyahay mid kale oo ku biiri doona liiska ballan-qaadyadii hore ee aan marnaba rumoobin.