April 5, 2026

Bandow Guud Lagu Soo Rogay Caasimadda iyo Shacabka oo Ka Cabanaya masuuliyiinta loo xirayo magaalada .

 

Saacaddu markay ahayd 10:00 habeenimo xalay ayaa bandow guud lagu soo rogay magaalada Muqdisho, iyadoo ku dhowaad 60 gaari oo ciidan ah iyo boqolaal askari loo kala diray dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir si loo adkeeyo amniga.

Inkasta oo bandowga lagu sababeeyay arrimo amni, haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu maanta duhurkii u ruqaansaday salaadda Jimcaha, isagoo ku tukaday Masaajidka Hureera oo qiyaastii 3KM u jira Madaxtooyada Soomaaliya, meel aan ka fogeen goobta uu degan yahay.

Saakay aroortii ayay dadka ku nool caasimadda Muqdisho, iyaga oo aan wax digniin ah horay loo siin, ka war heleen askar taagan guryaha, ganacsiyada hortooda iyo luuqyada xaafadaha kala duwan. Dadka ayaa lagu wargeliyay in magaalada ay bandow tahay, jirinna gaadiid iyo ganacsi la furi karo, sababo la xiriira madaxweynaha oo salaadda Jimcaha ku tukanaya masaajid ku yaalla dhinaca ku dhow Madaxtooyada.

Shacabka Muqdisho iyo ganacsatada gobolka Banaadir ee horey uga cabanayay cashuuraha badan ee lagu soo rogay,ayaa muujiyay walaac iyo caro ku aaddan bandowyada joogtada ah ee lagu soo rogo magaalada, kuwaas oo inta badan la xiriira socdaallada masuuliyiinta dowladda ama wafdi dibadeed.

 

inkastoo wararka qaar sheegeen in uu baaqday Wasiirka Arimaha dibadda dalka Shiinaha oo soo gaari lahaa Muqdisho hadana waxa la arkayay waebaahinta dalka Tanzania oo tabinaysa Wasiirka shiinaha Wang Yi oo ay masuuliyiinta dalkaasi soodhoweyn diiran u sameeeen garoonk diyaaradaha Julius Nyerere International Airport ee magaalada Dar es Salaam,

Dadka falanqeeya arrimaha amniga iyo saraakiil hore ayaa arrintan ku tilmaamay mid muujinaysa cabsi amni oo uu dareemayo madaxweynaha, gaar ahaan kadib markii uu dhowaan ka badbaaday qarax ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxay sidoo kale xuseen in dhaqankan uu yahay mid ku cusub caasimadda Muqdisho, oo soo martay marxalado amni oo ka khatar badan xaaladda hadda jirta, balse aan horey loogu soo rogi jirin bandow guud oo saameeya nolosha maalinlaha ah ee shacabka.