Big News,
Taliyaha guutada 77 gashaanle maslax maxamuud ayaa Raisul wasaraha jamhuuriyada Mudane Hamza Bare xalay fiidkii ku wargeliyay in uu ka badelayo xafiiskiisa Taliyaha ciidanka ilaalada xafiiska Raisul wasaaraha taliye Maxamed Abdi yare oo kamida saraakiisha sarsare guutada 77 kana soo jeedo beesha sacad habargidir,
Inkastoo sargaqlkan warqadiisa shaqa ka qaadista goor hore uu qoray Taliyaha guutada, hadana wargelinta raisul wasaraaha ayaa masuul aan waxba ka bedeli karin tallabadan, maadaama taliyaha guutada 77 Gaashaanle Maslax uu ku guuleystay shaqa ka qaadista abaanduulahii hore ee ciidanka koofiya casta madaxtooyada kabtan shaafici oo in mudo ah xafiiskan ka shaqeenayay,kana soo jeeda beesha Sacad habargidir,
Raisul wasaaraha oo taliyaha usoo jeediyay in loo keeno sargaal sare oo uu isaga magac dhabay jeclaan lahaana in uu loo lashaqeeyo ayuu taliye Maslax ku jawaabay “ mudane raisul wasaare magacaabistan waa ay qorantahay, sidoo kalena waa amar ka yimid madaxweynaha jamhuuriyada faderaalka mudane xasan sheekh maxamuud oo aan fulinayo kaliya adiga ayaan ku wergelinay kahor inta aanan kuu soo dirin warqadaha “ ayuu yiri Taliye Maslax
Illo wareedyo warbaahinta Oktoober24 heshay ayaa sheegaya qaar kamida xildhibaanada iyo siyaasiinta beesha sacad oo ay kamid yihiin xildhibaan abdirahman cagaweyene, Qaali shire iqk madaxtooyada u tageen sidii shaqa loogu heyn lahaa saraakiishan reerka ah ee lasoo eryay maadaama ay xaq u leeyihiin,
Beesiga saraakiisha habargidir ee looga sifeenayo madaxtooyada ayaa lagu sheegay ka baaran dega madaxweyne xasan uu ka baarandegayo iska hor imaad ka dhaca madaxtooyada soomaaliya maadaama madaxweyne xasan sheekh laga soo warinayo in uu damacsanyahay mudo kororsi laba sana ah ,
Saraakiishan rug cadaaga ah ee laga soo sifeeyay villa soomaaliya ayaa ku suntan geesinimo iyo go’aan adeeg,maadaama kaalin xoogleh ka qaateen badbaadintii raisul wasaare hore Maxamed xuseen Rooble, oo xafiiskiisa ka xirteen saraakiil ka socatay dhanka madaxweyene hore farmaajo oo ay isku qabteen hogaanka doorashooyinkii lasoo dhaafay,
Madaxweyene xasan dhowowaan labadiisa wiil ayuu dhowaan u kala magacaabay taliyaha guutada 77 iyo ilaadaha gaarka ee madaxweynaha,isagoona ka raafayo villa soomaaliya saraakiisha darajada sare leh ee kasoo jeeda reeraha kale,
Maxay kula tahay ?
WQ Oktoober