Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay munaasabadda xuska sanad-guurada 82-aad ee aas-aaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Khudbaddiisa oo socotay ku dhowaad lix daqiiqo, waxa xusid mudan in marka laga reebo ku dhowaad soddon ilbiriqsi oo keliya oo uu kaga hadlay horumarka iyo shaqada Booliiska Soomaaliyeed, inta kale ee hadalkiisa ay si toos ah ugu jeedday arrimo siyaasadeed, gaar ahaan mucaaradka iyo shirka ka socda magaalada Kismaayo.
Munaasabaddu waxay ahayd mid qaran oo u baahanayd in diiradda lagu saaro kaalinta Booliiska ee sugidda amniga, ilaalinta sharciga, iyo adeegga ay u hayaan shacabka. Haddana, nasiib darro, waxay isu beddeshay madal lagu durayo mucaarad siyaasadeed, arrin meesha ka saaraysa ujeeddadii munaasabadda iyo doorkii laga rabay Madaxweynaha ee ahaa mideyn iyo dhiirrigelin.
Madaxweynaha waxa laga sugayay in munaasabad noocan oo kale ah uusan ku siyaasayn, balse uu ku saleeyo khudbaddiisa warbixinno rasmi ah oo ka imaanaya hay’adaha amniga, isla markaana uu soo bandhigo tusaalooyin waxqabad iyo horumar oo Booliiska Soomaaliyeed ka sameeyeen dalka. Hase yeeshee, warbaahinta Soomaaliyeed inta badan kama muuqdaan waxqabadyo togan oo Booliisku ku mutaysto bogaadin, taas oo keentay su’aalo badan oo la xiriira jihada iyo tababarka ciidanka.
Si kastaba ha ahaatee, sanadkan la joogo wuxuu ka mid noqday sannadihii ugu tacaddiga badnaa ee Booliiska Soomaaliya lagu eedeeyo. Kumannaan shacab ah ayaa lagu soo warramay in guryahooda laga barakiciyay, halka qaar kalena ay la kulmeen jir-dil, cabburin, iyo xitaa toogasho. Arrimahan ayaa dhaawac weyn u geystay kalsoonidii shacabka ee hay’adda Booliiska.
Waxa isa soo taraya aragtida ah in Booliiska Soomaaliya loo carbiyay oo keliya difaaca dowladda talada haysa iyo siyaasiyiinta, halkii ay ka ahaan lahaayeen ciidan u taagan fulinta sharciga, kana madax-bannaan dano gaar ah. Tani waxay ka fog tahay mabda’a ciidanka qaran ee waajibkiisu yahay ilaalinta amniga dhammaan muwaadiniinta si siman, iyadoon cidna loo eexan.
Munaasabad qaran oo lagu dhaliilayo mucaarad siyaasadeed waxay sii fogeynaysaa kalsoonidii shacabka, waxayna dhaawacaysaa sumcadda Booliiska, iyada oo u muujinaysa ciidan si siyaasadaysan loo adeegsado. Taasi waa khatar weyn oo mustaqbalka amniga iyo dowladnimada dalka saameyn karta.
Booliiska Soomaaliyeed waa in si dhab ah loo baraa xeerarka iyo shuruucda dalka, loona dhisaa maskax ku shaqeysa sharciga iyo caddaaladda, halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwo u adeegaya shaqsiyaad ama siyaasiyiin waqtigoodu kooban yahay. Waa in ay fahmaan in ay yihiin ciidan qaran oo u dhexeeya sharciga iyo muwaadinka, islamarkaana mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta xuquuqda qof kasta oo Soomaaliyeed.
Gunaanadkii, munaasabadaha qaran waa in laga ilaaliyaa siyaasadaynta, si loo adkeeyo hay’adaha dowladda, loona soo celiyo kalsoonida shacabka. Booliis qaran oo sharci ku dhisan, kana madax-bannaan dano siyaasadeed, ayaa ah tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo amni waara iyo dowladnimo dhab ah.