Sida uu dhawaan sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud:
“Muwaadin Soomaali ma aha qofka sita baasaboor ajnabi haddii uusan isticmaalayn baasaboor Soomaali marka uu yimaado Soomaaliya.”
Hadalkaas oo muran badan dhaliyay ayaa yimid xilli dhowaan Xeer Ilaalinta Qaranka ay warsaxaafadeed ku sheegeen in ay soo gaartay dacwad uu gudbiyay Cabdifataax, oo ah muwaadin Swedish ah, kaas oo lagu reebay diyaaradda Turkish Airlines si aan sharci ahayn.
Xeer Ilaalintu waxay sheegtay in ay baarayaan kiiskaas, isla markaana ay qaadayaan dacwad ka dhan ah maamulka Turkish Airlines ee Muqdisho. Waxaa intaa ka sii muhiimsan in qoraalkooda lagu xusay:
“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu u taagan yahay ilaalinta xuquuqda dastuuriga ah ee dhammaan dadka ku nool Soomaaliya.”
Haddaba su’aasha imanaysa ayaa ah:
Maxaa u diiday Xeer Ilaalinta, Garsoorka iyo Laamaha Amniga in ay ka hadlaan afduubka Kamil Abdi Ma’ow?
Kamil Abdi — oo ah muwaadin Soomaaliyeed, marxaladna usoo adeegey shacabka Banaadir ayaa la afduubay, iyadoo illaa hadda aysan jirin cid sheegatay xarigiisa, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha ay waajibku tahay in ay dadka u garsooraan oo ay u ilaaliyaan xuquuqdooda.
Cabdifataax, ha noqdo muwaadin Soomaali ama Swedish, waa arin wanaagsan in la difaaco xuquuqdiisa haddii dulmi loo geystay— wuu istaahila in loo istaago.hasse yeeshee maxaa loogu istaagi waayay Kamil Abdi oo ah muwaadin Soomaaliyeed laba habeen si sharci darro ah u xiran koox?
Sidee ku dhacday in xarig sharci darro ah oo muwaadin Soomaaliyeed lagu hayo aysan jirin hay’ad dawli ah oo ka hadasha, laakiin diyaaraddii laga reebay qof sitay baasaboor ajnabi ah ay noqoto arrin degdeg ah oo xitaa dacwad dowladeed loo diyaariyo?
Markaa dib u xasuusano, weedhii uu hore u yiri Xildhibaan Xaadoole ee ahayd:
“Walaalkay waaye, anaa xirtay, lama soo deyn karo”?
Haddaba Kamil Abdi yaa xirtay?
Miyaan dhihi karnaa qof baa haysta oo lama soo dayn karo la’aantiis?
Dowladeedow, xaal qaado—dalku ma shaqsi ayuu raacaa mise sharci?
Kamil Abdi waa muwaadin Soomaaliyeed oo mudan in la ilaaliyo, la difaaco, lana helo xog rasmi ah oo ku saabsan xaaladdiisa.
#FreeKamil
Caddaalad waa in ay u siman tahay qof walba — Soomaali iyo ajnabi midkasta.