Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta toogasho ku dilay Maxamed Cali Cabdullaahi, oo ahaa wiil 17 jir ah, kuna jiray waxbarashada diinta Islaamka, isagoo kabiir ka ahaa dugsi Qur’aan ku yaalla xaafadda Ceelqalaw ee degmada Wadajir, gobolka Banaadir.
Sida ay xaqiijiyeen waalidiinta marxuumka, rasaas ay fureen askar ka tirsan ciidanka dowladda ayaa haleeshay Maxamed xilli uu taagnaa horta dugsiga Qur’aanka. Goobjoogayaal ayaa sheegay in askartii rasaasta furtay ay ka baxsadeen goobta markii ay dhacdadu dhacday.
Ilaa iyo hadda, laamaha amniga kama aysan hadlin dhacdadan naxdinta leh oo ciidanka dowladda lagu eedeeyay inay si aan sabab la xiriirin amni ah u fuliyeen.
Ehelka iyo dadka deegaanka ayaa dalbaday in la helo cadaalad iyo in la soo qabto askartii falkaasi geysatay.