MUQDISHO 06.07.2025: qalalaaso amni ayaa laga cabsi qabaa ka dhacaan maalinka khamiista kaasoo laga yaabo in uu dhex maro ciidanka dowlada iyo saraakiishii hore ee degen dhulka agagaarka Airport Adden Adde kuwaasoo dowlada siisey digniintii ugu dambeysay ,
Dhowaan ayay aheyd ciidamo ka socda dowlada soomaaliya tageen guryaha Taliye Koofi iyo Janaraal Gaafoow kuwaasooy ku wargeliyeen isaga baxaan dhulkan dowlada, hasse yeeshee saraakiisha ka biyo diideen faarujinta dhulkan,
Warar aanan lagu kalsoonaan karin OKTOOBER heshay ayaa sheegaya in saraakiisha la barakicinayo fariimo gaara la wadaageen Madaxweynaha dalka mudane Xasan sheekh kuwaasoo ku wargeliyay dhibaatada ciidanka dowlada ku hayaan, hasse yeeshee madaxweynaha ayaa la sheegey in uu ka cudur daartay ka jawaabida fariimaahiisa maadama dhulku yahay dhul dowladeed,( waa sidey noonsheegeen saraakiil kamida villa soomaaliya)
Isku soo-wada duub Macalin Mahdi oo fariimo qoraal toosa la wadaagay saraakiisha hore ee degen dhulkaasi waxa uuna usheegey,in amar buuxo lagu siiyay howlgalkan khamiistana tahay maalinka ugu dambeesa ee ku guuri karaan,Saraakiisha hore ee digniinta la siiyay ( Taliye Koofi iyo Janaraal Gaafoow) ayaa iyagana wacad ku maray isdifaaci doonaan hadii dowlada soo weerarto Sidoo kale siyaasiin mucaarad ah ayaa ballanqaaday garab siin doonaan hadii lagu soo xadgubo xeendaabka ay degenyihiin,
Dhulkan oo ah dhul dowladeed hore dowlada soomaaliya u siisay saraakiishan hada laga barakicinayo ayaa ah dhul dhaca airport muqdisho si kastaba ha ahaatee xogaha hoose ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in dhulkan la siiyay shaqsiyaad iyo hay’addo dowlada,
Dhulkan sidee laga yeeli doonaa yaasa la siiyay?
-Dhulkan dowlada soomaaliya ayaa hore ugu sharciyeysay saraakiisha hasse yeeshee hada waxa Laga iibiyay dowlad kale halka la qayba kale la siiyay siyaasiyiin iyo saraakiisha ugu tunka weyn dowladan,
– Qaybta ugu Muhiimsan dhulkan oo ah Guriga Janaraal Gaafoow waxa Laga iibiyay Dowlada SACUUDI CARABIYA oo ay Madaxtooyada Boqolaal Million Dollar ka siisatay,
-Qaybta labaad waa Guriga Taliye Koofi waaxa dhulkaasi la siiyay Agaasime Mahad Salaad iyo Raisul Wasaare Hamza Barre oo kala qaybsan doona,
-Dhulka xiga ee shaqsiyaad kale degenyihiin waxa la siiyay qoyska villa soomaaliya oo iyagana gaar ahaan madaxweynaha soomaaliya wiilkiisa taliyaha gaarka ah
-Sidoo kale Taliye Macalin Mahdi iyo Taliye Maslax oo howlgalkan fulinaya jidka jaayga ayaa Laga siiyay dhul oo ay degenyihiin siyaasiin kuwaasoo iyagana howlgalkan burhurinta la dhex raacin doono,
DIGNIIN
Isqabqqbsiga dhulkan hadii nabad lagu xalin waayo oo ay xabad isu qaataan dhinacayada waxa uu keeni doonaa qasaaro xoogan, gaar ahaan amniga airportka iyo shaqada ka socota , Xerada xalane iyo Afisiyooni bartilmameed ayuu u nooqon karaa hubka la isu adeegsado, barakaca shacabka, duulimaadyo ayaa istaagi doona, ugudambeena dagaalkaasi sameen siyaasadeed ayuu ku reebi doonaa siyaasada dalka , doorashada iyo guud ahaan amniga Qaran ka,
Halaga waantoobo , waxaan arkaayo ka aha wax la dhayelsan karo,
Khadafi
Oktoober24