April 7, 2026

CXDS ku biirey dagaal beeleed ka socda Galmudug iyo qasaaraha xoogan, Aqriso

Xogaha hoose ee kasoo baxay dagaal beeleedka ka socda deeganada hoos yimaada gobolka Galgaduud ayaa la sheegey, iney ka qayb galeen ciidanka xoog dalka ee difaaca uga jiray furimaha Baruujeed ee khawaarijta isku hor-fadhiyaan,

Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka G/Dhexe Maxamed Dhagaweyne in mudo ah lagu eedeenayay hubenyta beel gaar ah ayaa ugu dambeen maanta dagaalka qaybtiisii labaad soo geliyay ciidanka xooga dalka iyo gaadiidka dagaalka dowlada kadib markii ciidankiisa uu u sheegey in jihadaas meersis lagula dagaalayo koox AS ah,

Ciidamada dowlada faderaalka iyo kuwa Galmudug oo ku gaashaaman gawaarida Tikniko ah ayaa dagaalkii maanta si rogaal celis ah usoo galay, iyadoo dagaalkani ahaa mid sanad jirsaday u dhexeeyay beelo wada dega , waxana loo isticmaalay hub culus iyo gawaarida gaashaamaan, sida ka muuqata gawaarida halkaa lagu sawiray maanta,

Dagaalkii maanta dhacay ee Beelaha Habargidir iyo Murusade oo 3 jeer la isku soo laabtay ayaa dhaliyay qasaare xoogan naf iyo maalba leh iyadoo tuulooyin lagu garaacay qoryaha garabka laga tuuro ee SABANKA, gaar ahaan nuuca labada jeer qarxa ee dowlada Türkiye ugu deeqday ciidanka dowlada soomaaliya, ( sida ka muuqata sawirada la baahiyay),

Daagal beeleedkan sanad jirsaday ee ka socda Meersis iyo inta u dhexeysa tuulooyin hoos yimaada dhuusomareeb wax nabadeen ah laguma deyin beelaha wada dega, maxay tahay sababtaasi?

Markale CXDS qaybta 21-aad ee Barujeed dowladu dajisay sanadii 2023 Oktoober si ula dagaalaan cadowga khawarijta, maxay tahay sababta dhinacaan kale loogu soo kaxeeyay oo loo geliyay dagaal beeleed sanad socday oo aan ognahay waxa uu salka ku hayo aano qabiil tahay?

Wasaarada gaashaandhiga iyo arimaha gudaha faderaalka, dagaalka maanta dhacay maxay u aqoonsantahay ma sida taliye dhageweyene uu go’aansaday mise maba oga waxa dhacay?

Baaritaanada horudhaca dagaalka,

Oktoober24