Dagaal qaraar 12 saacad toosa socday ayaa shalay ka dhacay degmada Bariire ee gobolka Shabeele hoose iyadoo wali dagaalku ka soconayo qaybo kamida degmada,
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan oo ay soo diyaariyeen saraakiisha ciidanka xooga dalka iyo amisom wadajir ah ayaa qaybtiisii koowaad lagu kiciyay fariisimaha difaaca khawaarijta, taasoo markii dambana keentay kooxdu galaan godad ilaa iyo hada lagu duqeynayo,
Diyaaradaha Drones-ka Turkiga iyo Mareykanka oo qayb ka ahaa dagaal kii shalay ka dhacay degmada bariire ayaa la sheegey in qasaare xoogan gaarsiiyeen khawaarijta godadka ku dhuumaaleysaneysa,
Dagaalkan oo lagu sheegay mid kamida dagaaladii ugu adkaa ee waayadan ka dhaca gobolka shabeele hoose ayaan soo bilowday dhowr maalin kahor waxa uuna u muuqda mid kooxda lagu jabiyay xoogeeda,
Qasaaraha dagaalka kasoo gaaray dowlada iyo khawaarijta si dhaba looma shaacin hasse yeeshee waxa lasoo warinayaa in dab uu qabsaday qaybo badan degmada Bariire oo diyaaradaha si xoogan u duqeeyeen,
Dadka shacabka ayaa isaga qaxay degmada oo wajahaysa dagaal aan waxba la isula reeban, sidoo kalana dhinacyada ku dagaalamaya deegankan ayaa u hanashada degmadan u arka dhul istaraatiiji u ah guulaha dagaalka ka socda shabeele hoose,
Oktoober24