Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa muqdisho Md, Hassan Maxamed Muungaab ayaa magacaabay Agaasimaha waaxda dad dhigista dowlada hoose ee Xamar Mudane Faarax Cali Cumar, xilkan ayaana laga qaaday Agaasime hore Abrisaak Warsame Ugaaska Biikole kaasoo afar bilood ah kahor uu magacaabay gudoomiye hore gobolka Maxamed Amiir,
Xilka qaadistan ayaa timid kadib markii xafiiska gudomiyaha gobolka Muugaan loo geeyay eedaha la xariira musqmaasuq ka dhan ah agaasimaha iyo masuuliyiin waaxda dad dhigista dowlada hoose ee xamar,
Laba maalin kahor ayey aheyd marka uu Gudoomiye Muungaab xafiiskiisa uga yeeray Afar qofood ka tirsan xafiiska DAD-DHIGISTA waxayna kala ahaayeen, Agaasime Abrisaak Warsame Ugaas , Dalxa, Saadaq, iyo qof kale oo magaciisa heli weynay, Gudoomiye muungaab ayaa la sheegey in uu soo hordhigay cadaymaha musuqa sameeyeen,sidaas ayaana shaqa kaqaadistani ku timid, sida sarakiisha xafiiska Gudoomiyaha inoogu warameen,
Magacaabista agaasimaha cusub Faarax cumar ayaa lagu sheegey dhowr arimood,
-Qancinta Beesha Daa’uud oo dhowaan laga raafay gobolka banadir kadib markii waayeen , xafiiska Dakhliga Guud gobolka Banadir iyo waaxda Dhul bixinta,
-sidoo kale Faarax cumar oo ah ganacsade in mudo ah raadinayay jagooyinkaa sare sida dakhliyada iyo dhul bixinta kuna ku gacan seeray ayaa jagadan lagu qancinayaa, waloow isago shaqsi ahaan aanu ku qancin xafiiskan,( sidey inoo xaqiijiyeen ilo isaga ka agdhow),
Waa kuma Agaasime Faarax Cumar:
waa Ganacsade Qurbajoog ahaa jirey, waa milkiilaha mid kamida shirkad sameeya Biyaha laga cabo Muqdisho, waa Ganacsade kamida soomaalida ku ganacsata dalka k suudaan, sidoo kalana xariir ganacsi dhow ayuu la leeyahay ganacsiga qoyska madaxweynaha oo ah cida kusoo riixeysa xafiisyada dowlada iyo gobolka, waxayna u muuqataa in kursigan ganacsataha lagu soo tahriibinayo si meelo kale loo geeyo,
Waa kuma Agaasime hore Abdirisak Ugaaska:
Abdirisak Ugaas Biikole waa Ganacsade Qurbe joog dalka Canada kasoo laabtey, waana seyga qaba gabadha Ganacsatada ah ee leh Maqaayada ISTAR RESTAURANT ee caan ka ah TORONTO iyo MUQDISHO oo ay kaga taalo garoonka Aden Adde Airport,
Agaasimahii maanta xilka laga xayuubiyay ayaa ahaa mid markiisii hore xilkan looga soo xoogay ina adeerkiis Abdirashiid Wadaad-yare kaasoo ahaa nin dhalinyaro ah isaga la heyb ah ( Hg Ceyr) waxaana xilkani u magacaabay Gudoomiye hore Amiir iyadoo qaraabada marwadiisa reer imaam kusoo riiixeen jagadan ugu dambeen ku baxday gacanta qoyska mataxtooyada iyo qofey wataan,
Inkastoo jagadan beesha habargidir weligeed soo maamuleysey hadana waaku heyn weydey Wadaad-yare oo lahaa xisbiga Madaxweynaha ayaan kamid ahay iyo Biikole ilmaha abtiyaashood dugaashanayay afar bilood,
Gudoomiye Muungaab ayaa hore u yiri “ anaga Dawado hurdo nagana kicin karto, dawaco kuumana imaan karto waana qeel qeelihee “
Maxamuud Leeb
Oktoober24