FADEEXAD KALE
Agaasimahii hore ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka Banaadir, Fartuun Shariif, ayaa maanta si hoose ula hadashay qaar ka mid ah shaqaalaha isbitaalka, iyada oo sheegtay in muddo ay dhibane u ahayd dadka muuqaalka duubay iyo Dowladda Soomaaliya.
Sarakiisha caafimaadka ee goob-jooga ahaa ayaa xaqiijiyay in Fartuun la weydiistay $100,000 doolar, haddii kale baraha bulshada lagu soo daabici doono muuqaal laga duubay hooyo ku umushay isbitaalka hortiisa. Waxayna sheegtay in arinkaas uu ahaa qorshe abaabulan iyada lagu baadayay.
Fartuun ayaa intaa ku dartay in dhacdadan iyo lacagta la waydiistay ay hore ula wadaagtay Wasiirka Caafimaadka iyo Xukuumadda. Laakiin wada-tashiga kadib waxaa lagu heshiiyay inaan lacag la bixin, sababtoo ah waxaa la fahmay in kooxdu markale Gabadha lacag waydiisan karto, taasoo ka dhigan in cabsi joogto ah iyo baad joogta ah la isku darsan karin.
Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda oo dooneysay in ceebta la asturo, iyo Fartuun oo doonaysay in sumcadeeda la ilaaliyo, ayaa noqotay mid aan suurtagal ahayn. Xukuumadda ayaa go’aansatay in Fartuun shaqada laga eryo si fadeexada dhacday loo yareeyo, waxaana loo ballanqaaday in booska agaasime loogu dhiibayo qofaan iyada ka fogeen.

Go’aamadaas la gaaray kuma jiraan magdhow ama xaq u siinta hooyada dhiig baxday iyo canugeeda ku saqiiray isbitaalka hortiisa,Sidoo kale, xukuumadda ma gaadhin wax go’aan ah oo lagu xakameynayo lacagaha isbitaalka qaado ee sababay fadeexadda iyo geerida hooyada.
Fartuun, oo hore dhibane u ahayd koox burcad ah ayaa markale dhibane u ah dowlada soomaaliya gaar ahaan xakuumada iyo wasiirka caafimaadka oo sumcadeeda iyo shaqadeeda ku kaarta baxay, waxa ay noqonaysa cadaaladd darro kale in gabar soomaaliyeed lagu dulmiyo qalinka dowlada iyadoon eheen cida dambigaan gashay, sidoo kalana hay’addaha dowlada ee cadaaladda iyo xeer ilaalinta ayaa noqonaya kuwa lagu tuntay xeerarkooda maadaama iyagoo baritaan sameen la qaaday talaabo sharci darro ah oo ay masuuliyiinta uga dhuumanayaan dambiga,
Dhibaatada lama xalin, xuquuqda hooyada iyo canugeeda waa la iska indhatiray, halka shacabka lagu mashquuliyay ilaalinta sumcada iyo booska shaqada, Bucadiina lacag ma helin,
Aaway garsoorka iyo cadaaladda soomaaliya?
Aaway xaquuqul insaanka soomaaliya la wareegtay ?
Aaway xeerka canuurta soomaaliyeed iyo barbaarinta?