Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hada la wareegay Degmadda Beledxaawo oo maalmahaan uu ka socday dagaal u dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Jubaland.
Xarunta degmadda, Saldhigga Booliiska iyo xarumo kale oo Magaalada ku yaala ayey gabi ahaanba la wareegeen Ciidanka Dowladda Federaalka ee uu horkacayo Taliyaha Nisa ee Gobolka Gedo Cabdirashiid Janan.
Dagaal maalmihii ugu danbeeyay ka socday degmadaas ayaa sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh iyo qaxa dad Shacab ah.