SAQIIR DOWLADDA GACANTEEDA KU DHINTAY – DAFIRAAD KA SOCDA ISBITAALKA BANAADIR
Muqdisho – Hooyo Soomaaliyeed ayaa banaanka ku umushay hortiisa Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir, kadib markii maamulka isbitaalka uu diiday in la geliyo maadaama aysan awoodin bixinta lacag lagu beddelay adeeg hore u ahaa bilaash. Saqiirkii ay dhashay ayaa geeriyooday.
Wasiirka caafimaadka, Dr. Cali Xaaji, ayaa sheegay in “baadhitaan la sameynayo,” balse bulshada ayaa ku eedeysay inuu difaacayo maamulka isbitaalka.

Dadweynaha ayaa ku baaqay in caddaalad loo helo hooyada iyo in maamulka isbitaalka lala xisaabtamo dayaca sababay dhimashada saqiirka.
OKTOOBER24 News – Muqdisho, Soomaaliya