April 6, 2026

Degmada Gubta la aqoonsaday iyo Saameynta Xildhibaan Jacfar Abuukar

DEGMADA GUBTA: miisaanka xildhibaan Jacfar iyo culeeska mw Xasan sheekh soo fuulay..

Kadib muddo ku dhow toban sano oo uu diidanaa in Degmada Gubta loo aqoonsado degmo buuxda oo ka tirsan Gobolka Banaadir, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oggolaaday in dhagax-dhig laga sameeyo degmada, inkastoo weli laga sugayo aqoonsi rasmi ah iyo wareegto madaxweyne oo cad.

Dhagax-dhigga oo uu sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), islamarkaana ay wehlinayeen siyaasiyiin ka tirsan beesha Murusade, ayaa kusoo beegmay kaddib safarkii Xildhibaan Jacfar Abuurkar uu ku tagay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu ka furmay shir ay martigelinayso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo lagaga tashanayo xaaladda siyaasadeed ee dalka xilligan kala-guurka ah.

Kala fogaanshaha siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Xildhibaanka ayaa daba socday muran ka dhashay burburin iyo barakicin ka dhacday Degmada Dayniile, taasoo ay dowladdu ku dhaqaaqday kadib markii dhul halkaas ku yaalla laga iibiyay ganacsato. Xildhibaan Jacfar iyo siyaasiyiin kale ayaa si cad uga horyimid tallaabadaas, taasoo keentay kulan qarsoodi ah oo dhex maray Madaxweynaha iyo Xildhibaanka kana dhacay Villa Soomaaliya.

Kulankaas, Xildhibaan Jacfar ayaa Madaxweynaha hor dhigay saddex dalab oo muhiim ah:
1. In la joojiyo barakicinta shacabka Dayniile
2. In Gubta loo aqoonsado degmo buuxda
3. In dib loo hawlgeliyo Garoonka Dayniile

Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh markii hore ka meermeeray, haddana waxa uu oggolaaday in Gubta degmo loo aqoonsado, halka dib loo dhigay arrinta dib-u-hawlgelinta Garoonka Dayniile. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Xildhibaan Jacfar inuu ka leexdo mowqifkiisa diidmada ah ee ku aaddan dhulka Dayniile ee ganacsatada la siiyay, balse wax natiijo ah kama soo bixin wada-hadalladaas.

Safarro degdeg ah oo Xildhibaan Jacfar ku tagay Nairobi, islamarkaana uu uga sii gudbay Kismaayo si uu uga qayb galo shirka mucaaradka, ayaa la rumeysan yahay inay ku kordhiyeen Madaxweynaha culeys siyaasadeed, taasoo sabab u noqotay in uu maanta oggolaado dhagax-dhigga Degmada Gubta, si uu uga yareeyo cadaadiska siyaasadeed ee saarnaa.

Su’aasha hadda taagan ayaa ah: siyaasiyiinta beesha Murusade ee maanta ka qayb galay dhagax-dhigga Gubta, maxay uga qorsheeyeen arrimaha barakicinta shacabka Dayniile iyo dib-u-hawlgelinta Garoonka Dayniile?

Ugu dambayn, Madaxweynaha waxaa lagu ammaanayaa haddii uu soo saaro wareegto rasmi ah oo Gubta degmo buuxda ka dhigaysa, isla markaana uu joojiyo barakicinta shacabka Dayniile. Dhanka kale, Xildhibaan Jacfar waxaa lagu bogaadinayaa go’aankiisa siyaasadeed, iyadoo laga rajeynayo xildhibaanka inuu hormuud ka noqdo dhismaha dowlad cusub iyo madaxweyene ka shaqeeya dib-u-furista Garoonka Diyaaradaha Dayniile, oo muhiim u ah horumarka caasimadda.

Tallabadan ayaa u muuqata mid guul u ah Xildhibaan Jafcar Abuukar oo helay taageero siyaasadeed xoogan kaga imanaysa bulshada soomaaliyeed iyo beeshiisa,taaso muujisay miisaankiisa siyaasadeed wax kayar asbuucyo.