Sanbaloolshe iyo roob galbeed midkoodna gadaal uma soo noqdee, Xawaadloow Mahad Camal xume iyo waqtiga iskala macaamila,
Qaar kamida dhaawaca macawisleeyda beesha Xawaadle ayaa muuqaal cabasho ah iska soo duubay iyagoo eedeeyay agaasime Mahad Salaad dhawaan la wareegay hay’adda sirdooka,
Bukaanada hadlay ayaa sheegey in laga goostay Gunnada, iyo raashiinka sidoo kalana waxa ay xuseen in la eryay maamulka xarumaha lagu hayo dhaawacyada iyadoona carabka ku dhuftay in la eryay gabadhii cunada karineysay,
Xaqiijinta eedaha Mahad salaad loo soo jeediyay isaga ayaa ka jawaabi kara oo dafiri kara ama sababeen kara hasse yeeshee ragani maxay xawaadle ugu cawdeen oo ay dowlada ugu dirsan waayeen baaqooda, mise dowlada NISA ayay u yaqaanan iyo mahad,
Horta masuuliyada xarumaha dhaawacyada, ma NISA ayay hoostagaan mise hay,addo kale? hadii sidaa tahana yaa sidaa u qaabeeyay markii hore oo howlahan is dhexgeliyay?
Mahad, mudo uu baagamuundeenayay camal xumo ayuu kasoo qaaday waxana cadeen Moha filan subaxii uu yimid sodon sargaal ayuu magacaabay isagoona eryay kuwa kale shaqo ku jira, waana suuratagal in uu islaamaha cunada kariya kusoo qamaamo ama shaqo qarabadiisa ha uga dhigo ama amni darro Haka dhex arkee, nin sameeyo waa yahay,
Aqriste kamida bahda ku xiran Oktoober waxa uu leeyahay mahad qofkaan amaanin waa la dagalaa qofka amaana waa dhunkadaa ee xawaadle dhunkashada barta Sanbaloolshe iyo roob galbeed sooma noqdaane,
Sanbaloolshe ayaa hore u yiri xawaadle mashruucan khawarij la dirirka ah waxan eheen soomaaliya kuma lihidiin ee yuu idin dhaafin ee ku fara adeega, hadaba maanta xawaadle mashruuciisa maxa loogu qabsaday, maxaadsa uga tagtay dadkaan?
Siyaasiga soomaaliyeed marka uu kor jiro isaga ayaa shaqsi ahaan isu arka in uu yahay qabiilka( dareenkiisa iyo dantiisa) , marka uu soo hoobtana qabiilka ayuu u arkaa mid ka kaliya ee kor u qaadi kara,
( Libaax jiis ah, lo’o iska dhaafe waxaro muluqa ma fiijin karo ) ayuu wajahayaa agaasime sanbaloolshe oo hada taagan cidlo iyo ciirsi La’aan
isku soowada duub Foolxuman hay’adda ha dowlada bariis iyo caanaha ilmaha looga dhex raadinayo intaad arkayso dowladnima waa kaa foggahay,
khadafi