April 6, 2026

Dhageysiga Dacwada: Dil Askari ka dhacay furimaha dagaalka Xaaji Cali, Shabeellaha Dhexe

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta hor timid dacwad ka dhan ah askari ka tirsan guutada 18-aad ee xoogga dalka, kaas oo lagu eedeeyay inuu dil u geystay askari kale oo ay isku joogeen furinta dagaalka deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Sababta Dilka:

Eedda loo jeediyay askarigan ayaa salka ku haysa muran ka dhashay charger telfoon. Sida ay sheegtay xeer ilaalinta, eedeysanuhu wuxuu galay dukaan ay afar askari ku jireen oo telfoonnadooda ku charger-gareysanayeen. Waxaa halkaas ka bilaabmay muran xooggan oo sababay in uu eedeysanuhu saddex xabbadood ku dhufto mid ka mid ah askarta, taasoo keentay geeridiisa.

Doodda Eedeysanaha:

Eedeysanaha ayaa is difaacay isagoo sheegay inuu fasax kooban kasoo qaatay furinta si uu u charger-gareeyo telfoonkiisa, maadaama uu ku dheelayay ciyaaro qamaar online ah (1Xbet). Wuxuu sheegay in askarta kale ay u hanjabeen oo mid ka mid ah rasaas ku furay, sidaasna uu is difaacay.

Arrimaha laga dhex arkay dhacdadan:

  1. Askarta dowladdu waxay furimaha dagaalka ku isticmaalaan telfoonno casri ah, kuwaas oo noqonaya qalab muhiim ah balse khatar iyo mashquulba leh.
  2. Qamaar iyo ciyaaraha online-ka ah ayaa ku faafay ciidanka, taasoo muujineysa khalkhal anshaxeed iyo nafsaani.
  3. Furimaha dagaalka laguma helo koronto joogto ah, taasoo sabab u noqotay khilaafka ka dhashay isticmaalka charger-ka.
  4. Ma jiro xiriir, tababar iyo wacyigelin ku filan oo loo sameeyo askarta dagaalka ku jirta, si ay u fahmaan hab-dhaqanka ciidanka iyo xeerarka dagaalka.
  5. Askarta ma helaan garsoor iyo nidaam gudaha ah marka ay isku qabtaan arrimo gudaha ah; taas ayaa sabab u noqota in khilaaf kasta isu beddelo gacan ka hadal.

Gunaanad iyo Talo:

Dhacdadan waxay muujineysaa baahida degdegga ah ee loo qabo dib u habeyn ciidan, wacyigelin anshaxeed, iyo kormeer joogto ah oo lagu xakameynayo dhaqamada aan waafaqsanayn nolosha furinta dagaalka.

Si loo helo aqoon iyo hufnaan, waa in la:

  • La hirgaliyo tababarro anshax iyo maamul ah oo joogto ah.
  • La dhiso nidaam taageero nafsi iyo bulsho oo askarta lagu garab istaago.
  • La yareeyo isticmaalka qamaar, moobil iyo mashquul aan shaqo ciidan ahayn ee furinta dagaalka.
  • La hubiyo in taliyayaasha iyo maamulka sare ay si dhab ah u dhegeystaan dhibaatooyinka ciidanka hoose.

Dhacdadan waa cashar muujinaya in dagaalka dhabta ahi aanu kaliya ka dhicin jiidda hore ee cadowga, balse uu sidoo kale ka jiro gudaha maskaxda iyo dabeecadda askariga Soomaaliyeed.