April 7, 2026

Dhalinyaro USA laga soo Tarxiilay ayaa Muqdisho…

Dhalinyaro laga soo tarxiilay 🇺🇸 ayaa Muqdisho la keenay maanta,

Aroornimadii saakay diyaarada Turkish Airlines ayaa garoonka Adden Adde Airport muqdisho kasoo dajisay sodomeeyo (30) dhalinyaro soomaaliyeed laga soo tarxiilay dalka mareykanka kuwaasoo la sheegay iney isugu jireen Tahriibayaal iyo dambiileyaal xakuna kala duwan xabsi kusoo qaatay,

Ilo xog ogaal ayaa ii xaqiijiyay jn dhalinyarada maanta muqdisho la keenay badankood soo dhameesteen xabsiyo kala duwan kadib mar kii maxkamadaha dalkaasi ku qaadeen dacwado isugu jirey, Dil toogasho qof, dhac bareer ah , ka ganacsi daroogada , kamid noqosho Gangs iyo tacadiyo ka dhan ah haweenka iyo caruurta, 10 sano xabsi ah ayaa ugu badan xakunka ey soo leefeen dhalinyaradan maanta la keenay dalka,

Turkish airline oo ah diyaarada dhalinyaradan kasoo qaaday magaalada istanbuul oo ay transit kusoo ahaayeen, baaritaan Oktoober sameeysay ayaan ku ogaanay inaanu jirin cid dowlada soomaaliya wax warbixin kasiisay arinka dhalinyaradan, mar qura ayaa muqdisho laga soo dajiyay mid kastana qof ehel iyo qaraaba la ah ayaa albaabka u taagnaa oo gacanta ka qabsaday isagoona hore usii kaxeestay qof halistiisa aanu ogeen,

Saraakiisha mareykanka iyo Turkida ee diyaarada lasoo raacay dhalinyaradan kama soo degin diyaarada, mana jirto wax xog iyo macluumaad dheeri ah oo ay la Wadaageen Saraakiisha dowlada soomaaliya gaar ahaan laamaha amniga iyo maamulka airport ka aden adde, keliya qol ayay geliyeen dadkooda ayay ku wareejiyeen,

Inkastoo dhalinyaradan isugu jireen kuwa dambiyo culus soogalay iyo tahriibayaal sharci La’aan loo soo celiyay hadana waxa la arkayay booliiska airportka oo qol isugu geeyay dhalinyarada, cajajuub, caay iyo handadaad ayay kala kulmeen ilaa markii dambe dadkododa la wareegeen, nidaam dowladeed iyo bani’aadanimo laguma soo dhoween lamana kala soocin,

Hadii aan dib u xasuusano Maxkamadaha dalka waxa ka daawanay dambiileyaal khawaraaijta katirsan oo maxkamada shuute ka hor sheegay in markii hore laga soo tarxiiley yurub iyo US kadibna muqdisho lagu soo tuuray, nolosha oo ku adkaatay kadib in uu ku biirey khawaarijta sidaana uu dambiga lagu haayo kugalay,

Ogoow, dadkan maanta lasoo tarxiiley dhibaatooyinka ee geesan karaan waa badanyihiin waxana sababaya in uu yahay markii hore dilaa ama tuug, mid xanuusan iyo gangs, xabsiyada dheer soo liqay, u dhimrin la’aan,ta, daroogada jirka uga jirta, iyo xaaladadooda la daryeelin ayaa keeni karta howshoodii ku laabtaan,

Dhinaca kale, dhalinyarada halista geesan karaan waxa kordhin karta in kooxda khawaarijta soo raadiyaan si ay uga faa’iidestaan dhibaatada nololeed ee heysata , iyagoona ( khawaarijta) raacaya daraasada ka sameeyeen dinayarada qoran karaan oo kala ah, kuwa

Kuwa-daroogada jirka uga jirta ,
Kuwa- say walaahi inuu yahay, –
Kuwa- dilaa hore oo dhiig yaqaana,
Kuwa- carada u qaba Ajinabiga ,
Kuwa- xanuunka maskaxda haya,
Kuwa- dhaqaale xumada wajahaya
Kuwa- balwadaha uu baran doono
Kuwa- tashkiilin diin jeceelka
Kuwa- dul miya iyo cadaalad Xamada tirsanaya
Kuwa- ehel iyo waalid la’aanta ah

Dowlada soomaaliya waxan ka codsaneena in dadkan kala saraan , baaraan, kadibna la diiwaangeliyo xaaladooda laga war hayo, lagana ilaaliyo kooxaha dhalinyarada halaagaya, ehelkana masuuliyad la saaro,

Xarumo hala furo hana lagu dhaqan celiyo dadka mun waa muwaadin xaq leh intii uu cadow adeegsan lahaa anaga aan ku faa’iidno muqstaqbalka xoogooda iyo caqligooda,

Waasuge

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *