“Qof $15 EVC lagu xidhay, balse kuwii deeqaha isbitaalka ku ganacsaday oo sababay dhimashada saqiirka maxkamad lama horgeyn — Caddaaladdu ma laba waji bay leedahay?”
WARBIXIN KU SOCOTA:
•Xafiiska raisul wasaaraha jamhuuriyada
•Xeerilaalinta Qaranka
•Xildhibaanada Barkamanka Faderaalka
Xil ka qaadis Agaasime kuma filna tacadiga sida wadajirka ah isaga kaashadeen dhowrka hay’adood dowladi ah, waxana codsanayna cadaalad dhaba in laga sameeyo kiiskan!
Warbixin ku saabsan maamulka iyo dhaqaalaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir
Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir waa mid kamid ah xarumaha caafimaad ee ugu waaweyn dalka, kaas oo si toos ah uga hoos yimaada Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Inkastoo isbitaalku uu ka mid yahay meelaha dowladdu bixiso miisaaniyad joogto ah oo lagu maareeyo mushaarka shaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah, haddana waxaa jira ilo dhaqaale oo kale oo isbitaalka kasoo gala meelo kala duwan.
Ilo Dhaqaale oo Isbitaalka soo Gala
1. Miisaaniyadda Dowladda:
• Waxaa bixisa Wasaaradda Caafimaadka si loogu daboolo mushaharka iyo adeegyada aasaasiga ah.
2. Ardayda caafimaadka barata:
• Ardayda tababarka ku qaata isbitaalka ayaa bixiya lacag bille ah.
3. Taageerada Hay’adaha Samafalka:
• Hay’adda Salaam Foundation waxay bixisaa adeegyada korontada, biyaha iyo internet-ka.
• Hay’adda ICRC iyo hay’ado kale waxay siiyaan qalabka caafimaadka sida galoofisyada, cirbadaha, iyo dawooyinka qaar.
Adeegyada lacagta laga dhigay
Si kastaba ha ahaatee, maamulka isbitaalka ayaa adeegyo horey bilaash ugu ahaa bulshada u beddelay kuwo lacag lagu bixiyo. Tusaale ahaan:
• Adeegyada hooyada iyo dhallaanka,
• Adeegyada kilya dhaqista iyo kuwo kale.
Qiimaha adeegyada hadda laga qaado
• Lambar qaadashada bukaanka: $3
• Dhalmada caadiga ah: $35
• Dhalmada qalliinka ah (Cesarean): $200
• Jiifka caadiga ah: $15
• Jiifka VIP: $25–30
• Agabka caafimaadka (galoofis, cirbado, iwm): Waxaa laga iibsadaa ganacsi gudaha isbitaalka laga dhex furtay.
Isbarbardhig: Isbitaalada gaarka loo leeyahay
• Lambar qaadashada bukaanka: $5
• Dhalmada caadiga ah: $90
• Qalliinka dhalmada: $500
• Habeen jiifka: $30
• VIP qol: $50
• Agabka caafimaadka: Looma iibiyo bukaanka – isbitaalka ayaa bixiya.
Intaa waxaa dheer, isbitaalada gaarka loo leeyahay ma helaan taageerada hay’adaha samafalka ee isbitaalka Banaadir helo.
Eedaha iyo walaaca bulshada
Waxaa si gaar ah u foolxun in maamulka Isbitaalka Banaadir uu iibiyo qalab caafimaad oo hay’adaha sida ICRC ugu deeqeen si bilaash ah loogu adeegsado hooyooyinka iyo dhallaanka Soomaaliyeed. Arrintan waxay muujinaysaa in ganacsi gaar ah laga dhex abuuray isbitaalka, taas oo dhaawaceysa sumcaddii xarunta iyo ujeeddadii samafal ee loogu talagalay.
Gunaanad iyo baaq
Dhacdadani waxay muujineysaa baahida degdegga ah ee loo qabo isla xisaabtan iyo kormeer dhab ah oo lagu sameeyo maamulka Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir.
Bulshada Soomaaliyeed waa inay codkooda mideeyaan oo ay ka dhiidhiyaan dhiig-miiratada iyo ka ganacsiga deeqaha loogu talagalay dadka masaakiinta ah.
Waxaa la gudboon Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha kormeerka in ay si dhab ah u baaraan arrintan, lana hubiyo in deeqaha samafalka ee loogu talagalay shacabka ay si toos ah u gaaraan cidda loogu talagalay.
Maamulka isbitaalada iyo wasaarada caafimaadka in lasoo taago maxkamad ayaan codsaneenaa maadaama Qof $15 dollar EVC ku tuurtay maxkamad lasoo istaajiyay,