Kadib burburintii suuqa Siinaay ee dowlada soomaaliya kaga barakicisay dad shacaba ayay soo if bexeen eedo loo tirinayo shirkada Hormuud iyo Salaam Bank, iyadoo Xildhibaan Yaasiin Fareey dusha kaga tuuray shirkadaasi Hormuud iney tahay cida barakicineysa shacabka oo uu ugu baaqay lacagahooda kala baxaan dhiig miiratada,
Shirkada Hormuud ayaa iyana jawaab deg deg ah ka bixisay hadalka xildhibaan yaasiin fareey oo ay ku shegeen eedaymo been abuur ah sidoo kalana waxa ay hoosta ka xariiqeen iney shirkada iyo bankiga Salaam qayb ka aheen howlaha dhul BOOB ka ka socda magaalada Muqdisho,
Warbaahinta OKTOOBER iyadoo arinkaa ka duuleysa ayay sameesay baaritaano hor dhac ah iyadoona wax ka weydiisay arinkaan qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, siyaasiin, saraakiil iyo ganacsato kala duwan indha ku haya dhulka danta guud ee shirkadaha boobayaan iyagoo dhaqaale yar siiyana siyaasiin dowlada ku jira,
Hadii warbixinteena guda galo, suuqa siinaay waxa laga iibiyay shirkada amniga ka shaqeeysa ee Daryeel Security Service oo ah shirkad sugta amniga xarunaha kala duwan ee Hormuud, waana shirkad ey leedahay isla hormuud,
Sababaha shirkadan dhulka magaceeda loogu iibiyay ayaa ah laba sababood:
– marka koowaad shirkadan Daryeel DSS ee hormuud leedahay waxa madax ka ah shaqsi beel ahaan kasoo jeeda beesha qosyka madaxweynaha,
-Sidoo kale, shaqsigan waxa uu kamid yahay maamulka sare ee shirkada Hormuud iyo saamileyda muuqata, Saxib dhowna waxa uu lahahay ganacsiga qosyka madaxweynaha,
Shirkada Hormuud in mudo ah sumcadeeda kala baqeysay iibsashada dunta danta guud ee sharci darrada lagu xaraashayo, ayuu maamulaha shirkada DSS uu ula yimid qorshaha iibsashada dhulkan oo uu qoyska madaxweynaha lacago jaban kaga soo dhameeyay, dood dheer kadib Hormuud waxa ay go’aansatay in isaga magaciisa lagu iibiyo lagana dhigo hanti-shirkada ee qarsoon,
Dhulkan Suuqa Siinaay ee lagu iibiyay magaca shirkada DSS ayay hada shirkada dhismaha Hormuud ka wadaa dhul burburin iyadoo Bank Salaam uu iibinayo calaa Boos $80k doolar oo cash ah iyo deeyn lacag inta ka badan,
Xiligan kula hadlaayo, Bank salaam wax aa uu iibiyay 20 Boos oo ay shirkado iyo ganacsata kala kasii iibiyeen iyadoo dowlada soomaaliya aanan wali loo shubin lacagahii kula hishiisay Shirkada DSS ee hoos timaada shirkada Hormuud,
Hormuud iyo Salaam, hadii ay kamadax banaan yihiin howshan maxa meesha keenay shirkada DSS iyo maamulaha shirkada?
Hormuud iyo salaam hadii ay arinkaan ka madax banaan yihiin dhul boobkan maxay u kala iibinayaan boosaakan iyadoo bankigeeda lacagtu qabanayo?
Warqadaha hishiiska dhulka, iyo cadaymaha lacagaha ka isku direy intaba hadii lasoo bandhigo garsoor dacwadaas qaadi kara majiraa?
Shacabka dantooda waa iney gartaan oo ay fahmaan lacagaha lagu barakicinayo iyagaa leh, dhulka Laga barakicinayana iyagaa leh, dowlada na waa iyaga, hadaan sharci jirin xal ugu fiican waa fariinta Xildhibaan yaasiin fareey dhab haloo qaato?
Oktoober