April 7, 2026

$6.5 dollar ayuu gaaray qiimaha malaayga suuqyada Muqdisho

Sare u kac xoogan aya ku yimid qiimaha malaayga suuqyada muqdisho, iyadoo soomaaliya leedahay mid kamida xeebaha ugu dheer caalamka ee laga kaluumeesan karo

Dhageeste ku tixan Oktoober oo aan arinkaa wax ka weydiinay ayaa inoo xaqiijiyay in maanta suuqa Xamar Weyne 1KG malaay/kaluun lagu kala iibsanayo $6.5 in ka badan, iyadoo uu malaayguna gabaabsi ku yahay suuqa,

Sababaha sicir bararka keenay ayay ganacsatada malaayga ku shegeen in la gaaray waqtiga bad xiranka, taasoo kaluumeesatada ka hor istaagtay meelo fog fog kansoo jilaabtaan, sidoo kalana qatartu xoogan tahay,

Dhanka kale ganacsatada Kaluunka oo aan leheen Qaboojiye lagu keydin karo kaluun badan dib loo iibiyo xiliyadanoo kale ayaanu dalka ka jirin,

 

 

koronto yarida ka jirta dalka ayaa iyana lagu sheegey qayb ka tahay caqabadaha hortaagan in ganacsatadu sameestaan qaboojiye kaluunka lagu sii keydin karo marka tiro badan kaluumeesatadu soo jilaabaan,

Bilowgii sanadka isla suuqan Xamar Weyne 1KG Malaay $1 ilaa iyo $1.5 ayuu ahaa iyadoo mararka qaar la daadin jirey, tan iyo burburkina sidaas ayuu kheyraatka u dayacnaa,

 

 

Ganacstada soomaaliyeed fursadan iney ka faa’iideestan oo ay keyd sameeyaan maxaa u diidey ayad is leedahay?

Sideesa qaboojiyayaal kayd kaluun noqon kara looga hirgelin karaa dalka?

Shirkadaha wax soosaarka dalka side ku heli karaan koronto raqiis ah oo ku shaqeestaan?

Dowlada faderaalka kalainteedu maxay tahay ayaad isleedahay?

Meeqa sana ayaad maqleysa kheyraadka dalka halaga faa’iideesto?

Xasuusin dowlada ha aan wax soo saarka kaluunka leheen ee gobolka dhaca xitaa qiimahan ma gaark kg ee malaayga ah,

Oktoober24