April 6, 2026

WARBIXIN: MAALINKA CARUURTA ADUUNKA,

OKTOOBER24, warbaahinta Soomaaliyeed ayaa qabatay dood-wadaag qaran oo lagu xusayo maalinta caalamiga ah ee carruurta (International Children’s Day), oo caalamka laga xusi doono 20-ka Nofeembar 2025. Barnaamijku wuxuu diiradda saaray xaaladda carruurta adduunka guud ahaan, iyadoo si gaar ah xoogga loogu saaray xuquuqda, xaaladda, iyo daryeelka carruurta Soomaaliyeed.

Carruurtu waa qaybta ugu nugul bulshada, haddana waxay wajahaan rabshad, tacaddiyo, saboolnimo, iyo dayac. Soomaaliya gudaheeda, inkasta oo horumar laga sameeyey wacyigelinta iyo siyaasadaha, haddana carruur badan ayaa weli la tacaalaya amni-darro, waxbarasho la’aan, dhibaatooyin caafimaad, shaqo carruureed, guur degdeg ah, iyo in loo qorto kooxaha hubeysan.

Dooddan ayaa isku keentay suxufiyiin, khubaro ilaalinta carruurta, siyaasad-yaqaan, hoggaamiyeyaasha dhalinyarada, iyo wakiillo bulsho, kuwaas oo isku raacay baahida loo qabo in la xoojiyo ilaalinta xuquuqda carruurta.

Ujeeddooyinka (Objectives)

Ujeeddada ugu weyn ee doodda waxay ahayd in la muujiyo muhiimadda xuquuqda carruurta heer caalami iyo heer qaran. Barnaamijku wuxuu diiradda saaray:

  • Wacyigelinta Heshiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta (CRC).
  • In la soo bandhigo horumarka la gaaray.
  • In la iftiimiyo caqabadaha weli hortaagan carruur malaayiin ah.

Marka laga hadlayo Soomaaliya, dooddu waxay sahamisay caqabadaha gaarka ah ee carruurta Soomaaliyeed haysta iyo doorka warbaahintu ku leedahay taageeridda dadaallada ilaalinta carruurta.

Waxyaabaha kale ee la hiigsaday waxaa ka mid ahaa:

  • In la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda, bulshada rayidka, iyo warbaahinta.
  • In la siiyo madal ay khubaruhu ku wadaagaan aqoontooda.
  • In bulshada lagu baraarujiyo mudnaanta ay leedahay daryeelka iyo horumarinta carruurta.

Dooda (Discussion)

Dooddu waxay ku billaabatay sharaxaad guud oo ku saabsan xuquuqda aasaasiga ah ee carruurta oo ay ka mid yihiin:

  • Xaqa nolosha,
  • Xaqa horumarinta,
  • Xaqa ka hortagga tacaddiyada,
  • Iyo xaqa ka-qaybgalka.

Caalamka oo dhan, carruurtu waxay la kulmaan hanjabaado waaweyn sida colaado, tahriib, ka ganacsiga dadka, tacaddiyo, masiibooyin dabiici ah, iyo sinnaan la’aan sii kordheysa.

Dooddu waxay markaas xooga saartay Soomaaliya, halkaas oo carruurtu ay ku nool yihiin xaalado aad u adag oo ay sababaan:

  • Amni-darro joogto ah,
  • Saboolnimo baahsan,
  • Adeegyo caafimaad oo liita,
  • Fursado waxbarasho oo kooban,
  • Iyo dhaqammo waxyeello leh oo weli jira.

Inkastoo Soomaaliya ay leedahay siyaasado iyo ballanqaadyo, oo ay ka mid tahay saxiixa CRC, haddana waxaa weli jira farqi weyn oo ku saabsan hirgelinta, isku-duwidda, maalgelinta, iyo wacyigelinta bulshada.

Ka-qaybgalayaashu waxay xuseen xadgudubyada ugu badan ee carruurta Soomaaliyeed soo wajaha, oo ay ka mid yihiin:

  • In loo qorto kooxaha hubeysan,
  • Shaqo carruureed,
  • Guur degdeg ah,
  • Tacaddiyo jinsiga,
  • Nafaqo-darro,
  • Iyo waxbarasho tayo leh oo aan la helin.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo xoojinta sharciyada, hagaajinta nidaamyada ilaalinta carruurta, warbixin mas’uuliyad leh oo warbaahintu ka diyaarsato arrimaha carruurta, iyo maalgashi dhab ah oo lagu sameeyo waxbarashada iyo caafimaadka.

Baaq (Call to Action)

Iyadoo maalinta caalamiga ah ee carruurta soo dhowdahay, dhammaan dhinacyada waxaa lagu boorriyey inay qaadaan tallaabooyin muuqda oo lagu ilaalinayo xuquuqda iyo mustaqbalka carruurta Soomaaliyeed.

  • Warbaahinta waxaa lagu dhiirrigeliyey inay sii wadaan kor u qaadidda codka carruurta, soo tebinta xadgudubyada, iyo wacyigelinta bulshada.
  • Dowladda waxaa lagu adkeeyey inay hirgeliso sharciyada ilaalinta carruurta, kordhiso maalgelinta adeegyada bulshada, isla markaana carruurta mudnaanta siiso qorshayaasha horumarineed ee qaranka.
  • Bulshada iyo waalidiinta waxaa lagu baraarujiyey inay carruurta ilaaliyaan, waxbarashada dhiirrigeliyaan, kana fogaadaan dhaqamada waxyeellada leh sida guurka hore iyo rabshadda.
  • Ururrada bulshada rayidka ah iyo NGOs waxaa lagu boorriyey inay xoojiyaan u-doodista, bixiyaan adeegyo u-dhawrsan carruurta, taageeraanna qoysaska dhibaateysan.
  • Beesha caalamka waxaa lagu codsaday inay kordhiyaan taageerada waqti-dheer ee ku aaddan horumarinta iyo ilaalinta carruurta ee Soomaaliya.

Farriintu waxay ahayd mid cad: Ilmo kastaa wuxuu xaq u leeyahay ammaan, sharaf, waxbarasho iyo mustaqbal ifaya. Daryeelka carruurta waa masuuliyad wadajir ah oo aas-aas u ah xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya