Doodii Miisaaniyadda oo Dhinac Kale Loo Rogay, iyo Fashilkii iyo xayooyadii xakuumada oo loogu gefaayo beesha Hawiye,
Dooddii Golaha Shacabka ka hor yimid ayaa si cad u muujisay in arrintii ahayd la xisaabtanka miisaaniyadda qaranka ay u rogmantay dood kale oo aan la xiriirin, gaar ahaan dood ku saabsan maqaamka Muqdisho iyo Gobolka Banaadir.
1. Wasiir Biixi oo Su’aalo Adag la waydiiyay
Wasiir Biixi waxaa la weydiiyay su’aalo muhiim u ah hantida qaranka:
• Miisaaniyadda “in & out”
• Dhaqaalaha gudaha kasoo xarooday
• Lacagaha deeqaha
• Dhulkii la iibiyay ama la xaraashaday
• Diyaaradaha iyo hantida kale ee la sheegay inay dowladdu soo iibsatay
Su’aalahaas badankood wuxuu u waayay caddeyn, dukumiinti, ama sharaxaad qeexan. Hantidhowraha guudna si dhow uma difaacin xogtaas, taas oo ka dhigtay in ay muuqato in xukuumaddu diyaar u ahayn isla xisaabtan dhab ah.
2. Doodii oo Loo Rogay Qabiil iyo Maqaam Caasimadeed
Markii su’aalihii miisaaniyadda adkaa la xagxagan waayay:
• Qaar ka mid ah xildhibaannada Hawiye waxay doodda u rogeen mid ku saabsan “magaca Muqdisho” iyo “maqaamka Banaadir”.
• Halkii laga ilaalin lahaa hantida qaranka, waxaa la yidhi:
“Waxa la gaday maxaa idinka galay?”
Dhanka kale:
• Xildhibaannada Darood iyo Dir ayaa badankood ku adkaystay dood sharci ah oo ku saabsan miisaaniyadda.
• Qaar yar oo Hawiye ah ayaa ku beddelay doodii mid qabiil iyo deegaan ku salaysan.
3. Bulshada Koonfureed oo la Riyaaqday & Sababta
Dad badan oo Koonfur ah ayaa u riyaaqay muuqaalada:
• Maadaama ay caadifadda qabiilka loogu bedelay doodii.
• Iyaga oo qabo in arrintu tahay “difaac deegaan ama sharaf”.
Laakiin inta badan lama fahmin in dooddu ahayd:
• In la helo caddeyn ku saabsan hantida la dhacay
• In xukuumadda lala xisaabtamo
Taasi waa meesha ay qaldantay fahamka guud.
4. Waqooyi & Bari oo Ka Dareen Daban
Bulshada Waqooyi iyo Bari waxay u arkeen:
• In Hawiye uu is siiyay Caasimadda.
• In laga hadlayo maqaamka Muqdisho halkii laga qaban lahaa miisaaniyadda qaranka.
• Iyaga oo iyaguna ku dhacay jahawareer siyaasadeed, maadaama ay dareemeen in dooddii laga leexiyay jihadii saxda ahayd.
Doodii miisaaniyadda waxay u muuqatay mid muhiim u ahayd:
• Daahfurka halka ay ku baxday hantida qaranka
• In dowladda lagu qasbo isla xisaabtan
Balse si maangaaban leh ayaa loogu leexiyay qabiil, deegaan, iyo maqaamka Muqdisho, taas oo keentay in aysan bulshada badankeed fahmin cidda laga xisaabtamayo iyo waxa laga doodayo,
Xildhibaanada ugu badan ee dhulka la siiyay waa hawiye, xilshibaanada ugu badan ee dooda adag keenay waa Dir iyo Daarood oo hogaaminaya xakumaada iyo Wasaarada maaliyada,
Xilshibaanada ugu yareee difaacay xakuumada iyo wasiirka waa Hawiye,
Halkaas marka ay marayso Magaca hawiye tuuganimo in lagu difaaco Waa ka digeen, sidoo kalana Magaca hawiye guud in loogu gafo fashilka Wasiirka Maaliyada iyo Raisul wasaaraha ma aqbaleeno, ayuu yiri Xildhibaan u waramay Oktoober