Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hirgelisay nidaamka cusub ee e-CTN (Electronic Cargo Tracking Number), kaas oo lagu diiwaangelinayo laguna cashuuro dhammaan badeecadaha soo mara dekedaha dalka, gaar ahaan kuwa Puntland, Jubbaland iyo Somaliland. Wareegto soo baxday 30/09/2025 ayaa nidaamkan ku qeexday mid u dhigma e-Visa, balse loogu talagalay xakamaynta iyo dabagalka xamuulka badda.
Dowladdu waxay ku wargelisay shirkadaha maraakiibta iyo wakiilladooda in ay waajib ku tahay u hoggaansamidda nidaamka. Kuwo diida amarka waxay wajihi doonaan ganaaxyo lacageed, xayiraad xamuul, joojinta ruqsadaha iyo dacwad ciqaabeed.
Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli weli uu taagan yahay buuqa ka dhashay fadeexaddii e-Visa, taas oo shaki galisay nidaamyada dijitaalka ah ee dowladda. Dhanka kale, maamulada Puntland iyo Somaliland, oo si madaxbannaan u maamula dekedaha, ayaa ka muujiyay walaac dhaqaale iyo mid sharci, iyagoo ka baqaya in nidaamkan cusub uu faragelin ku noqon karo dakhliga iyo maamulka dekedaha.
Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysanaysa in e-CTN uu muhiim u yahay mideynta cashuuraha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
Nidaamka cusub wuxuu noqon karaa talaabo lagu hagaajinayo dhaqaalaha, balse sidoo kale waa mid kordhinaya xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

