Dowlada soomaaliya ayaa ugu dambeen saxiixeysa hishiis dalka dib loogu soo celinayo qaxootiga soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland,
Wasiir amniga gudaha Abdulahi sheekh ismaaciil fartaag oo ah wasiir katirsan xakuumada faderaalka iyo wefdi sare uu hogaaminayo ayaa beri soo gaaraya Caasimada Finland ee Helsinki waxana lasoo afmeeri doonaa wdahadaladii bilahan u socday dowladaha soomaaliya iyo Finland ee qaxooti dib usoo cellinta,
Dowlada finland sanadkii hore ayay sheegtey iney joojinayaan dhaqaalaha ku taageeraan soomaaliya hadii ay saxiixi waayaan hishiiska dib celinta qqxootiga soomaaliya,
Hasse ahaatee waxa xasuusin mudan bilowgii sanadkan magaalada Muqdisho soo gaartay Wasiirka arimaha gudaha dalka Finland Mari Rantanen, iyo wefdi sare iyadu hogaamineysay kuwaasoo la kulantay Raisul wasaare dalka Hamza Barre iyo Wasiirka amniga gudaha Fartaag , waxa ayna ka wada-hadleen sidii looga wadashaqeen lahaa dib usoo celinta qaxootiga soomaaliya ka jooga finland,kadibna fasaxi doonaan tageerada dhaqalaha lasiiyo soomaaliya, iyo guno mashruucan u gaar ah,
Dowlada Finland oo haween koox cunsiri ah qabsadeen waxa ka go’an qaxootiga ka saraan dalka Finland, dowladaha diidey iney saxiixaan hishiiskaa dib u celinta dadkooda dhamaan waxa ay ugu goodiyeen ka joojin doonaan dhaqaalaha gargaarka bani’aadanimo ku tageeraan dalalkaasi oo ay kamid tahay soomaaliya,
Wasiir Fartaag Dalka Finland ku tagayo ayaa lasooo warinayaa in uu saxiixayo hishiiskan lagu soo celinayo dadka soomaalida ee sharciga helin iyo kuwa hada kadib soo geli doono ee is dhiibi lahaa, xoga hoose sheegaya in dhowr malyan dib u dajinta qaxootiga loo siinayo soomaaliya,
Dhalinyaro badan soomaali ah oo sharci la’aan ku ahaa dalka finland oo ay dowladu xabsi dhigtey iyo kuwa xakunka dambiyo kala duwan soo dhameestay ayaa la filayaa dhowaan lasoo celiyo, mana jirto qorshe dowlada soomaaliya ku maareen karto dadkaas dalka lagu soo celinayo,
Masuuliyiin iyo xubno u hadlay Jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Finland ayaa arinkaas ku tilmaamay wax laga xumaado iyagoona Carab ka ku dhuftey in soomaaliya ka shaqeyneso iibsiga muwaadiniin soomaaliyeed kasoo cararay xaalada amni ee ka jirta dalkeena,
Ugudambeen,dowlada soomaaliya ee mudooyinkii dambe xooga saareysa dib usoo celinta qaxootiga yurub iyo USA ayaa kusoo aadeysa xili sanadkaan dhalinyaradii ugu badneed dalka ka tahriibayaan iyagoona maraya badaha Aljeeriya, waxana sanadkaan dhintay dhalinyaradii ugu badneed ee dhimata tobankii sano ee lasoo dhaafay,
Khadafi Abdilaahi
Leave a Reply