April 6, 2026

Dowlada soomaaliya oo Nabad Xalane ka hor istaagtay Safar Diyaaradeed Adan Cadde Airport,

Ciidamada dowladda oo ka hor istaagay Nabadoon Xalane safar uu ku tagi lahaa Dhuusamareeb

Muqdisho – Ciidamada dowladda ayaa ka hor istaagay Nabadoonka Guud ee Beesha Murusade, Nabadoon Abdi Nuur Xalane, diyaaradda uu ka raaci lahaa Aden Adde Airport, isagoo ku sii jeeday magaalada Dhuusamareeb si uu uga qayb galo kulan uu qabanqaabiyay madaxweynaha Galmudug, Ahmed QoorQoor, kaasoo looga hadlayay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug iyo colaadaha beelaha ka taagan.

Saraakiisha sare ee garoonka ayaa Nabadoonka ka reebay diyaaradda, iyagoo ku eedeeyay inuu dhaliilo u soo jeediyay madaxweynaha iyo ciidamada, sidoo kale uu kasoo muuqday kulamada madasha mucaaradka dowladda. Tallaabadan ayaa si weyn loogu cambaareeyay, gaar ahaan aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo nabadoonada Soomaaliyeed, kuwaasoo u arkay xarig sharci darro ah.

Dowladda, gaar ahaan Villa Soomaaliya iyo taliyaha booliiska, ayaa soo dhexgalay is-hortaaga, iyagoo ku amray saraakiisha garoonka inay Nabadoonka u gudbiyaan taliyaha qaybta guud, kaasoo ka codsaday Nabadoon Xalane inuu aqbalo raali-gelintaas. Taliyaha ayaa ballan qaaday in maalinta xigta uu Nabadoonka u fududeyn doono safarka Dhuusamareeb.

Saraakiisha garoonka ayaa lagu canaantay inay ku xadgudbeen sharciga dalka, sharafta Nabadoonka maadaama aysan jirin wax dambi ah oo lagu heystay Nabadoonka, sidoo kalena uusan jirin amar maxkamadeed oo taageeraya in la xayiro.

Nabadoon Xalane ayaa saacado kadib dib ugu laabtay hotel Jaseera ee Muqdisho, isagoo u sheegay warbaahinta OKTOBER24 inuu diyaaradda xigta raaci doono si uu uga qayb galo kulanka Dhuusamareeb.

Muqdisho waxaa kusoo badanaya xadhigyada sharci-darrada ah ee ay saraakiisha dowladda u geystaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo wax dambi ah gelin. Halkii sharciga iyo garsoorka dalka loogu hor keeni lahaa, muwaadiniintaas waxaa lagu sii daayaa cadaadis iyo canaan ka yimaada madaxda sare ee qaranka, taasoo si weyn u dhaawacaysa sharafkooda iyo xorriyadooda. Arrintani waxay si cad u muujineysaa sida dowladda Soomaaliya ugu xadgudbayso sharciga dalka, sidoo kalena u fududeysanayso dulmiga joogtada ah ee lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.