Ciidamo ka socda gobolka Banadir ayaa galabnimadii maanta weeraray guriga uu muqdisho ka degenyahay siyaasi Dr Maxamed Aden koofi oo ah xoghayaha madasha-samatabixinta soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiinta mucaaradka ku ah dowlada, ahna Murashax u taagan qabashada kursiga ugu sareeya Dowlad goboleedka Galmudug ,
Siyaasi DR. Koofi ayaa weerarka kadib bartiisa Facebook qoraal kooban uu soo dhigay ku sheegey in ciidamada dowladu galabta soo weerareen gurigiisa, sidoo kalena ku amreen in uu isaga guuro gebi ahaanba xaafadan iyo xeendaabka airport Muqdisho,
Dr. Koofi ayaa hadalkiisa raaciyay, anigoo dowladnimada ixtiraamayo waxa ku dadaalay inaan dhib dhicin, sidoo kalena waxa uu xusey, in digniino dhowr ah hore loogu soo direy, lana qorsheeynayo in la weerarayo isaga iyo siyaasiinta mucaaradka gaar ahaan kuwa ku midoobay madashada samatabixinta soomaaliyeed,
Warbaahinta OKTOOBER oo dhacdadan u kuur gashay xariiro kala duwan la sameesay dad ka agdhow goobta la weeraray, saraakiisha gobolka iyo xaafada siyaasiga lagu deganaa ayaa ii xaqiijiyay in dhab tahay ciidamo dowlada ka socda galabta weerareen guriga Dr koofi uu ka degenyahay magaalada Muqdisho,
Xoghaye Dr Koofi waxa uu weerarkan ku sheegay mid isaga iyo gurigiisa lagu beegsaday, dhanka kale saraakiisha gobolka iyo dad ka agdhow waxay ku sheegeen in ciidamada gurigaasi tagay galabta ahaayeen ciidamada cashuuraha guryaha ka ururiya Muqdisho,
Sargaal dowlada ka tirsan ayaa isna ii xaqiijiyay, dowladu digniino dhowr ah u dirtay dhamaan siyaasiinta degen guryaha ka agdhow Airport Adden Adde, kuwaasoo diidey bixinta lacagta cashuuraha guryaha muqdisho, sabata loogu tagey siyaasi koofi waxa uu ku sheegey bixinta cashuuraha guryaha, waa sida uu iigu sheegey sargaalkan oo kamidka saraakiisha howlgalkii galabta qaybta ka ahaa,
Sargaal kale isagana katirsan booliiska gobolka Banadir oo an arinkan wax ka weydiiney ayaa inoo sheegay , in dowlada soomaaliya u baahanatahay dhulka danta guud iyo guryaha shirkada duulimaadyada ee Somali Airlines ee dowladii dhexe soomaaliya, maadaama dowladu dib usoo celineyso shirkada somali airlines iyo diyaradaheeda, waa muhiim in guryaha shaqaalaha iyo shirkada la baneeyo, ayuu yiri,
Xog kale ayaa iyana sheegaya guriga Dr Koofi kaguur lagu yiri waxa la siiyay Taliyaha guutada 77 ee CXDS Gashaanle Maslax Maxamuud oo ah wiilka adeerka u yahay madaxwyanaha soomaaliya mudane Xasan sheekh maxamuud, Gaashaanlahan dad badan kasoo dacwooden ayaa la sheegayaa in uu sadexdii sano ee lasoo dhaafay muqdisho ka dhistey guryo dhaadheer isaga u gaar ah,
Dad badan ayaa iyagana qaba tuhun ah in weerarkan uu ka dambeeyay Agaasimaha Hay,adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA Mahad maxamed Salaad kaasoo u arka siyaasigan aqoonyahanka ah uu kaga adkaan karo doorashada madaxweynaha Galmudug ee dhowaan la rajaynayo in laga qabto deegaanadaasi,
Beegsigan sida gaarka ah ciidanka dowlada guriga Dr koofi ku galeen galabta ayaa kusoo aadaya xili madaxweynaha jamhruuiyada faderaalka uu la balansanyahay siyaasiinta madasha samatabixinta soomaaliyeed oo uu xoghaye ka yahay madasha ku mideysanyihiin, waxa ayna noqonaysa beegsigii labaad ee siyaasigaan da,yar loogu awood sheegtay dowladnimada soomaaliya,
Dhulkan ka agdhow airport muqdisho ee wada-dhisteen siyaasiin iyo ganacsatada soomaaliyeed ayaa ahaa dhul markiisii hore sifo sharci darro lagu wada dhistey, hasse ahaatee waxa suaal ah sidee loo kala saari doonaa guryaha mucaaradka iyo muxaafidka oo si siman markoodii hore siyaasiyiintan u boobeen,
Marka laga hadlayo dhul dowladeed, Madaxda ugu sareysa dalka faderaal iyo gobol, Taliye iyo sargaal dhamaantood dhulkii dowlada gaar ahaan agagaarka airport ayay dhisteen, waana dhul dowladeed, masaajidkana waa kaaga horeeyaan, horumar iyo cadaaladna waa kaaga waramayaan ayuu yiri Abdulqaadir Axmed kamida aqristayaasha OKTOOBER,
Magacaabista Muungaab dad badan waxa ay ku sheegeen nin ku dhac leh oo shacab iyo siyaasi huheysan aanu u kala soocneen,tallaabadan maanta ka qaaday iney tahay qorshahii loo magacaabay ee maku guuleysan doonaa weerarada ka dhanka ah siyaasiinta mucaaradka?
Guryo dowlada hadii laga baxayo madaxweynaha, wiilkiisa ,gudoomiyaha , wasiiro taliyaal faderaal iyo gobol intaba waa ku jiraan ee ma laga wada baxaa mise dad gaara ayaa laga saraayaa?
Khadar
Oktoober24.com