April 6, 2026

E-visa Soomaaliya Ciladeysan iyo WhatsApp Fiiso Lagu Soo saarayo

Website-ka e-Visa Soomaaliya oo hakad galay iyo WhatsApp beddelay…

Mudo 4 maalmood ah, website-ka rasmiga ah ee e-visa Soomaaliya ayaa cilad farsamo ku jiray, taasoo keentay in codsadayaasha fiisaha lagu wargeliyo inay si toos ah ula xiriiraan WhatsApp-ka hay’adda si xogtooda loogu soo saaro e-visa.

Arrintan ayaa abuurtay culeys xoogan oo saaran shaqaalaha iyo codsadayaasha, maadaama su’aalihii iyo macluumaadkii caadiga ahaa ee website-ka la waydiinayey hadda lagu waydiinayo WhatsApp. Musafiriin badan ayaa waqti badan ku lumay habkan, iyadoo qaar su’aalo dheeri ah la waydiinayo.

Waxaa laga cabsi qabaa in habkan cusub uu keeni karo qasaaro dhaqaale iyo mid waqti, isla markaana uu fursad u noqon karo musuqmaasuq ama tacadi xogeed, maadaama xogta laga helayo WhatsApp ay noqon karto mid aan si ammaan ah loo ilaalin.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan bixin wacyigelin rasmi ah oo ku saabsan ciladda website-ka.

Shirkada Empire iyo dagaalkii Hay’adda socdaalka halkee ayuu ku dambeeyay,?