April 7, 2026

Fadeexad: wiilka madaxweynaha soomaaliya oo ku tumanaya hantida dowlada…

Iyadoo dhalinyarada dalka shaqo la’aan uga tahriibayaan saaid ugu dhimanayaan tahriibta ayaa hadana baraha bulshada lagu faaqidayay sawirka saacad qaali ah oo uu xirnaa wiilka madaxweynaha soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud,

HUBLOT, waa mid kamida shirkadaha sameeya saacadaha luxury-ga ah ee xirtaan dadka hantida ilaahay siiyay,

Nuuca saacadan ayaa ah HUBLOT CLASSIC FUSION
CHRONOGRAPH KING GOLD GREEN, qiimaheedu waa $41,300 doolarka mareykanka, [ Ex. €35,800> $41.300 ],

Saacadan Dahabka ay ka sameysan tahay ( wareega sarre) ayaa sare u qaaday qiimaha la iibinayo iyadoo dahab La’aan ah waa 10k ilaa 12k US dollar isla Hublot,

Taliyaha ciidanka ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha dalk taliye Gaashaanle Abdifataax xasan sheekh maxamuud hadii uu xiliga shaqada xiranayo saacad ka sameeysan DAHAB qiimaheeduna yahay $41k, soo kama dhigna xiliyada fasaxa iyo nasiinada waxa uu xiran karaa taliyaha saacado Daimond iyo luul ka kasameen,

si kale hadan u dhigo 10 sano kahor isaga (Abdifataax) iska dhaafe aabahiis shacab ahaa si kasta oo uu u shaqeeyay ma xiran karin saacad 50dollar qiimaheeda ka badan yahay, maantase waxa u suuragashey in uu xirto saacad Dahaba, baashaalkan caqli, aqoon , iyo shaqo toona kuma iman ee waa nin heesta furaha qasnada dhaqaalaha dowlada oo bilaa xisaab ah, waxana loo fududeeyay in uu ku tuman karo dhaqaalaha laga soo ururiyay shacabka daruufeesan gaar ahaan Hooyooyinka Miiska yaanyada ku iibiya iyo kuwa wadooyinka cajiinka ku wareejiya,

Hadii aan usoo laabto ciidanka uu taliyaha u yahay gaashaanlaha madaxweynaha dhalay waa askar guutada 77 ka tirsanaa 15sano kan ugu yar, dhamaantood furimo dagaal ayay kusoo darajo qaateen waxaasa maanta ilaahay qadaray in ragaas uu taliye u noqdo igaar aan waligiis xero ciidan soo fariisan qorina arag meel lagu furfurayo hadana masuulkii ugu sareeyay dalka ayaa lagu aaminay amnigiisa, kuxigeen xitaa loo qaateen ayay nqoon leheed laakin musuqaa dhiiranaan leh ayay xaajadu maree,

Askarta soomaaliyeed ee mushaarka u qaata 200 doolar ee qaarkood inta la siin waayay isku dhiibay shab-abaab sida kuwa hada laga soo sheegayo shabeele dhexe ee goostay, hadii la qiimeeyo saacada gaashaanle Abdifataax ayaa unoqan karta sanad mushaar iyo sahay ciidan, kuwa xoreenta dalka jecelse sida uma arkaan caqabadaha isbarkan,

Kasoo gudub, saraakiisha villa soomaaliya iyo ilaalada madaxtooyada ee 15 ka sano ilaalinayay madaxda dalka iyo xafiiska ugu sareeyo dalka majiro mana la sheegin hal sarkaal oo villa dhistay, intooda badan kiro ayay ku jiraan halka qaar kalena bacweyne ka degenyihiin qoysaskooda, laakin labada wiil ee madaxweynaha soomaaliya Abdifataax iyo Maslax waxa ay dhisteen dabaqyo xamar laga yaaaano iyo dhul malaayiin doolar qiimahiisu yahay oo bilaash ku heleen,

Waxa soo dhan ma dhicin iyo waa jirtaa la iskuma haayo , bale waxa loo arkaa inay yihiin caruur nasiib leh oo ka faa’iideestay fursada uu helay abahood kana fiicanyihiin ilmaha madaxda kale ee dalka soo martay,

Shacabka oo u arka caadi ku tumashada hantida dadwyanaha ayaa dhiiregelin u noqotay madaxda iyo caruurtoodu in ay saacado dahab ah xirtaan iyagoo shaqeenaya,

Waxa guul ka sugee askari iyo sargaal 15 sano khawaarij xabad ku ridayay oo mushaarkiisa 200/500 doolar yahay xiliyadanoo kalena bil dhaaf loo bixinayo mushaarkiisa iyadoo lagu andacoonayo dhaqaale la’aan ayaa jirta iyo beesha caalamka lacagtii masoo fasaxin,

Dalka sidaan ayuu barwaaqo u yahay maxay u tahriibayaan dhalinyarada mee xirtaan saacadahan qaaliga ah oo ay baabuur ku dhex wataan dalkooda, sidoo kalana tuutaha xirtaan oo ay sida ninkan u difaacaan dalka,

Musuqa lama joojin doono ilaa dadka shacabka ay gartaan hantidu iyagu inay leeyihiin siyaasiguna shaqaale yahay,

Waa ku salaamaya, adigoon qadeynin ayaa lagu leeyanay qaranka difaac iyo qiiro jabaan,

Ilkacase

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *