Hishiis iyo Xaal marin
FAHAD IYO MAHAD
Xogtaan waxa ay daba socoataa warbixin dheer oo aan bilowgii sanadkan ku qoray boggan taasoo ku sheegay, in meel fiican marayaan wada-hadalo hoose ee u socday madaxweyene xasan sheekh iyo agaasime hore Fahad Yaasiin Xaaji Daahir taasoo daarneed sidee wax isugu darsanaa oo dowlad usoo dhisan karnaa doorashada xigta,
Inkastoo xogtu sheegeyso madaxwyanaha dalka ayaa furay wadahadalkan isaga iyo Fahad u dhexeeyay iyadoo dhex dhexaadi-yayaal u kala dabqaadayeen ayaa ula jeedka villa soomaaliya lagu sheegay in uu ahaa:
-sidee awooda siyaasadeed kooxdii hore loo dhimi karaa,
-sidoo kalena Fahad awoodiisa loogu soo biiraya dhinaca villa soomaaliya,
•Qodobada laga dooday ayaa ahaa:
-in Laga hishiiyo wixii hore u dhacay, ( xasan )
-sidee wax isugu darsan karnaa, ( xasan iyo fahad)
-Xisbi cusub la sameeyo (fahad iyo xasan )
– rag uu mahad Kamid yahay kasoo tago mw ( fahad)
Dood dheer oo bilo qaadatay kadib, qodobada kor kusoo xusnay mid mid ayaa loo soo Xaliyay iyadoo villa soomaaliya tallaabo tallaabo u fulineysay hishiiska, hasse yeeshee qodobka ugu dambeeyey ee MAHAD iyo aniga isku meel kama wada cayaari karno ee kasoo tag ahaa, ayaa ugudambeen xal fiican laga gaaray iyadoo uu madaxweynaha ku guuleystay hishiis rasmiya dhex dhigo labadiisa wiil ee isqoomaay,
MAHAD IYO FAHAD oo in mudo ah xurguf hoose dhex-tiiley iyagoona warbaahinta isu marin jirey hadalo xanaf leh taasoo gaartay SHA-baabnimo iyo QAARIJINTII IKRAAN TAHLIIL midba midka kale ku eedeeyay ayaa ugudambeen lagu dhameeyey gacanta is galiyeen,cafis rasmiya kala qaataan qaybna kawada noqdaan dib-udhiska odayga wayn oo doonaya dib-udoorasho Makale,
ilo xog ogaala Fahad ka agdhow hishiiskan waxa ay ku sheegeen, in Fahad uu u seexseexanyo kooxdan,oo uu kaliya doonayo siduu kusoo heli lahaa kursigiisa Xildhibaan doorashada la filaayo, maadaama kooxdan shalay iyagoo mucaarad ah ka dhigeen kursigiisi ku caan-baxay sheekada shubanka,maantana ay ka leeyhiin awood intii kabadan, “intaad saaxada siyaasada ka bixi leheyd qoorta dhiibto”
Aragti kala ayaa dheheysa FAHAD toos ayuu ugu biirey kooxdan, rajadiisa waa Xildhibaan siduu ku heli lahaa,sidoo kalena Wasiir Faarax oo saaxada siyaasada kasii baxayo xaalada jira awgeed ayuu oday Xasan isleeyahay booskan culeeskiisa kaama harayee igaarkaan falsafadiisa siyaasadeed intaadan u dhiman iskaga dhiiji,
Fahad Iyo Mahad ayaa hishiiyay inaad la yaaban tahay ayaa laga yabaa, bal kawaran Xasan iyo Rooble maanta halkee kala joogaan,siyaasada waa nuucaas adiga ayaa hal il oo qura wax ku eegaya mooyee, siyaasiga dhab u fikirka ah toban il ayuu halkii arin ku eegaa, daruufaha iyo awoodaha jira ayuu qadariyaa, xasan waa ku saxanhanay in uu wiilasha hishiisiiyo isagana is qurxiyo,
Oktoober, xogtaan ku laabasho malahan ayay ku leedahay, qodobada lagu hishiiyay xaquqaha fahad loo ogolaaday intaba qormada xigta ayaan ku bayaamin doonaa,
Oktoober24