April 7, 2026

Fallanqeyn. MW Xasan Sheekh Masar looga yeeray iyo Ethopia ka casuuntay furi-taanka biyo xireenka GERD 2025,

Madaxwaynaha Dalka Mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa dhowaan booqanaya Magaalada Qaahira ee dalka Masar kadib Casuumaad rasmiya oo uu ka heley Dhigiisa Madaxweyene Abdel Fattah el-Sis ee dalka Masar,

ilo Wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo xaqiijiyay, in madaxweynaha soomaaliya bilowga isbuucan soo socdoa uu gaari doono Magaalada Qaahira ee dalkaasi Masar, wafdiga horu-dhac ah villa soomaaliya ka socda ayaa maalinka sabtida ama Axada gaari doona dalkaasi, wafdiga ayayna ka midyahiin la-taliyaha Amniga xafiiskiisa mw Xuseen Macalin iyo saraakiil sare ka tirsan wasaarada Arimaha dibada dwolada faderaalka soomaaliya,

 

Kulankan oo ah mid uu codsaday Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah el-Sis, ayaa noqon doona mid lagu soo celinayo is,xulufeysigii sedex geesoodka ahaa ee soomaaliya, Masar iyo Eriteria ee lumay bilowgii sanadkaan kadib markii dowlada soomaaliya si lama filaan ah ku dhabar-jabisay hishiiskii ka dhacay Asmara ee sedexda dal, kuwaasoo aad uga xumaaday kadib kulamadii Abiye Ahmed iyo Xasan sheekh ku dhex maray Adis Ababa, Iyo Moqdisho iyadoo laga duulayay dhex dhexaadintii ANKARA ee lagu qaboojiyay xiisadii dagaalka siyaasadeed ee mudada sanadka ah u dhexeysay soomaaliya iyo Ethopia,

 

Dowlada Ethopia ayaa dhowaan shaacisay Daah-furka Biyo Xireenka GERD ( Grand Ethiopian Renaissance Dam ) bisha September ee sanadkan 2025 kaasoo laga casuumay madaweynaha soomaaliya iyo madaxda dowlada badan caalamka ka mida, dowlada masar oo iyadana in muddo ah arinkan ka Biyo-diidaneyd ayaa u muuqata in madaxweynaha soomaaliya kala hadli doonto arimo ku saabsan biyo xireenkan soo dhamaaday, waloow Ethopia la sheegey in casumaada fidisey ku dartay dowlada Masa, waxaanse shaki kuma jirin Madaweyene Fattahel Sis iyo casumaada loo fidideyay madaxweyenaha soomaaliya ey daaran tahay xaalad abuur iyo kicinta xaalada siyaasadeed ee Geeska Africa,

Mashruucan Biyo xireenka GERD ee dowlada Ethopia dhistay ayaa ah mid lasoo bilaabay sanadii 2011-kii, marxalada kala duwan iyo caqabado siyaasadeed iyo mid dhaqaale xumo ee soo wajahdey dalkaas dhowr jeer oo istaagay mashruucan ugu dambeen sanadkan bisha sagaalaad ayaa xariga laga jari doonaa, mashruucan Biyo xireenka ah waxa uu kamid noqon doonaa ilaha dhaqaale ee ugu weyn qaarada Africa iyo dalka Ethopia, waana biyo-xireenka ugu weyn Qaarada Africa iyo midka Todobaad ee dunida,

 

Mashruucan hirgelintiisa ayaa ah midey ku baxday dhaqaale gaaraya $5billion oo doolarka mareykanka ah, kaasoo ah dhaqaale gaar ah ee dowlada ethopia iyo dadkeeda oo isu geeyey xoog iyo caqli si looga baxo dafuuraha dhaqaale xumo, waxa uuna noqon doonaa mashruuc xoogiisa ee ka faa,iidi doonaan shacabaka Ethopia maadama koronto raqiis iyo bilaash ay dowladu ballan qaaday, sidoo kalena dalal badan oo dhaca africa gaar ahaan Geeska ayay Ethopia qiimo jaban uga iibin doonto korontada iyo Tamarta Daamka laga soo saaray, arinkaani waxa ay sare u qaadi doontaa dhaqaalaha dalkaasi iyo Geeska Africa, Ganacsiga warshahada horumar xoogan ayuu sameen doonaa maadaama ay heleyaan koronto raqiis ah, tobanka sano ee soo socata ganacsiga warshadaha iyo wax soo saarka geeska africa waa ay kordhi doonaan iyadoo SHIRKADAHA wax soo saarka Caalamaka iman doonaan dalalka geeska soomaaliya koow katahay, soomaaliya xeebaheedu waxa ay noqon doonaan kuwa dowr weyn ka cayaaraha Ganacsigaasi maadama shirkadaha kasoo degayaan , sidoo kalena dhoofinta wax soo saarka shirkadaha xeebaha iyo dekadaha soomaaliya ayaa muhiim u noqon doona,

 

Dhanka soomaaliya korontadan la gaarsiiyo ganacsiga warshadaha ayay sare u qaadi doontaa dhaqaalaha dalkana isbedel xoogan ayay ku keeni kartaa waa hadii la helo Nabad korontada lagu dhowro iyo qroshe looga adkaan karo kooxaha khawaarijta ee nabadiidka ah, dowlada ethopia qudheeda maadama koronto iibineyso waxa muhiim u ah iney soomaaliya nabada kala shaqeyso si loo wada ganacsado dhinacayada loona horumariyo dalalka geeska africa dhaqaalahiisa, fursadan indho nabad iyo dhaqaale hadii lagu eego wax badan ayay dalka ka bedeli doontaa,

 

isku soo wada-duub booqashada Madaxweynaha soomaaliya ee Qaahira ayaa noqon doonta mid lagu saxiixan doono hishiisyo iskaashi iyo difaac iyadoo la ogsoonyahay halkii ey ku dambeeyeen hishiisyadii hore iyo ballan qaadyadii dowlada masar xiligii ey socatay xiisada dagaal siyaasadeed ee u dhexeysay soomaaliya iyo ethopia, iyagoona noo keeney Hub lagu sheegey taageero milatari soomaaliya kaaso waxba kusoo kordhin waayay dagaalka dowlada soomaaliya kula jirto khawaarijta, sidoo kale Ciidamadii ey ballan qaadeen Masaarida ee soomaaliya imaan lahaa ayaa weli la sheegin halka ku dambeyeen iyo waxa iskabedeladey dhinacyada soomaaliya iyo masar,

 

Madaxweyene Xasan sheekh iyo kooxda hada tallada heysa ee siyaasada arimaha dibada soomaaliya hageysa ilaa iyo hada qorshahooda rasmiga ee siyaasada Arimaha dibada ma cadda, maalin kastaa dal iyo xulufo ayay hishiis lasoo galayaan iyadoo aan la cadeyn faa,iidada ku jirta ayaa hadana dhinaca kale loo guuraa, hadana dib ayaa loogu soo laabtaa siyaasadii laga cararay shalay, tani waxa ay meesha ka saartay xaqiijinta waxa danta u ah dalka iyo dowladnimada soomaaliya, hasse yeeshee arinkaan wabiga Nile iyo Biyo xireenka la daah-furayo faa,iida soomaaliya ugu jirta dhinaca ay naga jirtaa qorsho siyaasadeed saxa ayay u bahantahay iyo in lagu aqriyo indho danaha dowladaha leeyihiin garan kara, taa marka la fahmo ayaa tan soomaaliyana lagu saleen karaa oo la gaari karaa barwaaqo iyo horumar la taaban karo,

 

soomaaliya shaqsi maahan ….

 

Khadafi