April 7, 2026

Fanaan Iskalaaji ayaa ka heesaya xuska 27-aad Puntland magaalada Mainz ee dalka Germany

Xuska 27-aad ee Puntland, Mainz – Germany 🇩🇪

Magaalada Mainz oo kaabiga ku haysa magaalada wayn ee Farankfurt caawa triikhdu tahay 02 Agoosto waxa ka heesaya Fanaan Iskalaaji, oo marti ku ah munaasabada Sanad-guurada 27-aad ee kasoo wareegatay aasaaska dowlada Puntland kamida dowladaha qaybta ka ah dowlada faderaalka soomaaliya,

Munaasabadan oo degmo iyo tuulo isaga kala imaanayaan dadka soomaalida ah ee ku dhaqan dhul waynaha jarmalka, hadana waxa xusid mudan in looga yimid showgan dalal badan oo dhaca qaarada yurub, iyadoo ticket 🎫 shoowgu ahaa mid online lagu wada iibsaday,

Hay’adda Seko oo ah hay’add u adeegta bulshada soomaalida ku dhaqan dalkan ayaa barnaamijkan isku soo duba-riday, mana ahan markeedii koowaad iyo labaad munaasabad noocaanoo kala ah soo qaban qaabiyaan, dhowr jeer hore ayay sidanoo kale munaasabada badan nabad kusoo dhamaata kaga qabteen dalkan, iyadoo jarmalka in mudo ah lagu dhaliilayay fowdo iyo carqaladeen ka dhalata munaasabada ha iyo shoowyada waaweyn ee lagu casuumo fanaaninta soomaaliyeed,

Fanaan iskalaaji oo ah fanaaniinta loogu jecelyahay fanaaniinta soomaaliyeed ee xiligan masraxyada ruxa ayaa looga yeeray Qaarada Ameerica isagoona maalin kahor soo gaaray, caawa ayuu buuga jacaylka ku aqrinaya dhalinyarada jarmalka oo uu jacaylku uga soo haray tahriibtii adkeed ee lasoo wada maray,

Wacdahara iskalaaji iyo jarmalka

Oktoober24