April 6, 2026

Fashil Ayuu ku dhamaaday shirkii e-Visa iyo xogta la Jabsaday,

 

Shir albaabada u xiran oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Hay’adda Socdaalka iyo Hay’adda Duulista Hawada, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhammaaday fashil iyo is-eedayn kadib markii looga hadlayay fadeexaddii caalamiga noqotay ee lagu jabsaday xogta kumannaan qof oo booqday website-ka e-visa ee Soomaaliya.

Kulanka oo uu soo qabanqaabiyay Wasiir Cali Balcad, waxaa goob joog ka ahaa:
• Mustaf Dhuxulow, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka
• Axmed Macalin, Agaasimaha Hay’adda Duulista Rayidka
• Wakiil sare oo ka socday Shirkadda Empire, oo bixisa adeega e-visa

Maxaa looga hadlay kulanka?

Mas’uuliyiintu waxay si gaar ah uga doodeen:
• Caqabadaha hortaagan nidaamka e-visa
• Sida loo jabsaday xogta kumannaan qof oo dalbaday e-visa
• Cidda qaadaysa mas’uuliyadda fadeexadda ka dhalatay xogta la jabsaday

Isku eedayn ka dhex qarxay masuuliyiinta

Ujeedada ugu weyn ee Villa Soomaaliya ay kulanka ka lahayd ayaa ahayd in la helo cid si rasmi ah u qirta khaladka dhacay si loogu diyaariyo war-saxaafadeed lagu qanciyo dalalka digniinta bixiyay, kuwaas oo muwaadiniintooda uga digay booqashada website-ka dowladda.

Hase yeeshee:
• Agaasimaha Duulista, Dhuxulow, oo lagu cadaadiyay inuu qirto dayaca ku dhacay nidaamka uu soo bandhigay, wuu diiday.
• Dhuxulow wuxuu fashilka ku eedeeyay Shirkadda Empire.
• Shirkadda Empire-na waxay gabi ahaanba iska fogeysay eedda, iyaga oo ku celiyay in aysan iyaga lahayn khaladka dhacay.

Arrintaas ayaa sababtay in kulanku isu beddelo dood kulul iyo isku tuur tuur eed ah, halkii laga rajeynayay xal iyo masuuliyad qaadasho.

Natiijada shirka

Ugu dambeyntii, shirkii maanta waxa uu ku soo dhamaaday:

❌ Fashil buuxa
❌ Cid qiran weyday mas’uuliyadda jabkii dhacay
❌ Villa Soomaaliya oo weli sugeysa war-saxaafadeed cad oo qancin kara dalalka ka carooday xog jabsiga

Iyadoo arrintan ay weli kacsan tahay, dowladdu wali lama imaan tilaabo rasmi ah oo lagu badbaadin karo sumcadda nidaamka e-visa iyo kalsoonida caalamiga,

OKTOOBER24