Soomaalida Maraykanka oo isku eedeysay Argagixiso iyadoo Cadaadis Siyaasadeed uu jiro.
Xaalad cusub ayaa ka taagan bulshada Soomaalida ee Maraykanka, kadib markii qaar ka mid ah Soomaalida lagu eedeeyay taageeridda argagixisada, isla markaana FBI su’aala ka waydiisay shaqsiyaad gaar ah.
Kiiskan ayaa imanaya xilli Soomaalida ku nool Maraykanka wajahayaan cadaadis siyaasadeed iyo cunsuriyad ka dhan ah asal ahaan, taasoo kor u qaadaysa walaaca bulshadu ka qabto dhaqanka sharci ee lagu dabaqo.
Sidoo kale, xawaaladaha Soomaalida oo horay loogu eedeeyay in la mariyo lacagaha dhaqaale ee ururada argagixisada, ayaa laga cabsi qabaa in kiiskan cusub uu sii dedejiyo beegsiga ganacsiyada sharciyaysan ee bulshada.
Arrinta ayaa sidoo kale muujinaysa sida is riix-riixa qabiilka ee bulshada Soomaalida uu u noqon karo aalad siyaasadeed loo adeegsan karo sida culees gaara loo saari lahaa soomaalida, waxana muuqata dowladda Maraykanka lamaaha amaanku cadaymo u isticmaali karaan eedaha isu jeediyeen soomaalida badaha bulshada isticmaasha,
Kiiskan ayaa kor u qaadaya doodda ku saabsan cadaaladda, cunsuriyadda, iyo siyaasadda ka dhanka ah bulshooyinka laga tirada badan yahay, waxaana bulshada Soomaalida looga digayaa inay ka feejignaadaan in khilaafaadka gudaha uusan noqorin sabab lagu beegsado.