OKTOOBER shanbilood kahor ayay warbixin meelo badan taabanaysa ka qortay barnaamijka PISCES ee lagu xiray Garoonka muqdisho ee lagu kaantaroolayo xogta dadka soogala iyon kuwa kabaxaya dalka.
Feeryahan Ramla Ali oo haysta dhalasha dal yurubiyaan ah ayaa loo diiday visa ku tagi laheed dalka maraykanka oo ay 19 bishan kaga qayb gali laheed tartan wayn, shirkadahii casuumay ayaana usoo diray Warbixin rajo xumo ah, taasoo ku sheegeen in loagu diiday visa USA booqashadeedii soomaaliya darteed,
Ramla, Bulshada soomaaliyeed ayay muuqaal cabasha ah usoo duubtay iyadoo dalbanaysa in dowlada soomaaliya la gaarsiiyo fariinteeda, waxayna afka ku dhufatay wasiirka iyo madaxwyanaha inay u ballanqaadeen in la siin doono baasaboor siyaasiga soomaaliya si ay ugu gasho dalka maraykanka,
Taasi waxa ay cadaynaya in ciladan la ogaa markii imanaysay laguna qanciye in lasiinayo passport diplomatic oo ay siyaasiintu ku tagaan maraykanka, rajadaa waxay kusoo dhamaatay tartankii waqtigiisu dhowyahay iyo in dowladii ka qaban la’adahay xariirka oo at social media fariin u marinayso,
Warbixintaasi facebook iyo website OKTOOBER24 waa lagu daabacay inagoo labada dhinac faaiido iyo qasaaraba ka eegeena systemkan xalane laga maamulayo iyo xogta shacabka soomaaliyeed ee dowlad kale gacanta loo geliyay,
Culeeska iyo tabashada dadka qurba joogta soomaaliyeed dareemayeen ayaan kamid ahaa waxyaabahii aan halkaa ku xusnay oo ay kamid tahay inaysan awoodin doonin dad badan soomaaliya galay booqasho ku tagaan dalka maraykanka, marka loo eego xayiradaha uu kusoo rogay dalal badan,
Waxii aan u cuskanay ayaa ahaa
– in system PSCES uu ahaa system dowlada maraykanka leedahay kuna ilaaliso danaheeda gaar ahaan amniga,
-in shaqaalaha la tababaray yihiin saraakiil tababarka iyo qalabka dowlada maraykanka siisay,
-in xarunta dhexe xalane tahay lagana maamulayo xogta dadka soomaaliyeed,
-cida howshan iska leh tahay safaarada maraykanka oo ah wasaaraha arimaha dibadda ee hirgisay barnaamijkan PISCES oo hoos yimaada xafiiska la dagaalnka iyo dabagalka argagixaada Terrorist Interdiction Program (TIP) ee dalkaasi,
Waagii hore,dadka soogala soomaaliya istaamka waa ka dhici jireen , iyagoo ka baqayay suaalo farabadan uga yimaadaan booqashada dalal kale, balse dowlada soomaaliya halkii xal ka keeni leheed oo dowladaha kale ku aamini lahaayeen, dowlada soomaaliya waxay goaansatay dhamaan xogtii dadka iyo dalka in lagu wareejiyo Maraykanka, iyadoo aanan jirin kala sooc, waxayna gallafteen kumaanan dad soomaaliyeed oo safri karin,
Agaasimaha hay’adda go’aankan gaartay hadii uu Maraykanka tagayo diplomatic passport ayuu qaadanaya hadii imaaratka tagayana baasaboor ingiriis ayuu qaadanaya, waa meeshawdad badan aanu fahmin,
Sababta feeryahanad Ramla ay inoo leedahay Passport Diplomatic ayaa la ii ballanqaaday waana layga baxay, waxay ay noqonaysa in dowladu gaar ahaan wasaarada cayaaraha ku qancisay soomaaliya timaado muuqaal fiican ka bixiso, caqabada USA 🇺🇸 iney kaga xalinayaan passport diplomatic ah ku aado tartanka dhacaya dhamaadka December sanadkan,dhibaatada ku dhacday meesha laga tusay xalka ayay wali haystaa feeryahanada, waxasa suurtagal ah codsigii lasoo diidey iyo qofka hada dalbanaya soomaaliya ayuu tagay waa isla iyada, waxa la diiday baasaboorka ma noqonaye waa qofka,
Waxa rajaynayaa in dowlada soomaaliya safarada maraykanka toos ula hadasho oo ay xeerkaan iyo nidaamkaan dadka dhan dowlada maraykanka ku diideyso ax kabadasho oo ay baaritaano adag xitaa ku bedelaan ee aanay ciladu noqon soomaaliya ayaad tagtay, cayaaryahan dhan oo soomaaliyeed basaboor ajinabi wata in la diido ciqaabtaas wadarta ah ayaa keneysa, xalka hala ballaariyo bulshada waa ballaarantahay dad badan oo soomaaliyeed ayaa loo diiday visa dalkaasi,
Warbiixnta hore xiiso gaara ayay leedahay link Hoose ayaan soo dhigayaa ka aqriso, https://www.okt24.com/pisces-muxuu-yahay-systemka-cusub-ee-lagu-xiray-aden-adde-airport/