April 6, 2026

G.SHUUTE IYO SHEEKO SAMEEYE WAYN AYAA IS’HAYA (As)

 

Ninkan waxa uu sheegay inuu baxsad ka ahaa kooxda Al-Shabaab, isagoo ka tirsanaa ciidankii loo diyaarinayay in ay weeraraan fariisinka dowladda ee degmada Ceeldheer bartamihii bishii Sagaalaad ee la soo dhaafay.

Wuxuu yiri:

“Waxaan qorsheystay inaan ka baxsado kooxda kahor dagaalka. Dhar caadi ah ayaan xirtay, waxaana raadiyay dad ii tilmaami kara jidka Ceeldheer. Waxaan u tagay reer baadiye meel u dhow degmada Aadan Yabaal. Waxaan u sheegay inaan ahay nin xoolo kasoo lumeen oo Ceeldheer kasoo dhumay, oo doonaya in la ii tilmaamo fariisinka dowladda. Waxaa la igu daray gabar 13/14 jir ah si ay jidka ii tusto. Markii aan wadada soo maraynay, ninkii ayaa is raacnay,( wuxu u booday) gabadhiina way ii tilmaamaysay halka waddadu u kala baxdo.

Kadib waxaan kusoo laabtay deegaanka si aan usoo qaato qorigaygii iyo booshkaygii, si aan ugu goosto dhanka dowladda. Markii aan soo laabtay, qoryihii ayaa laga qaaday labadii seedyood iyo anigaba, waxaana naloo qaaday dhanka shaki goosasho ah.”

Fashilka Koowaad

Wuxuu sheegay in reerkii uu u sheegay sheekada xoolo iga lumay laga aqbalay. Laakiin lahjaddiisa ayaa beeninaysa sheekada, mana u eka qof deegaanka Ceeldheer kasoo jeeda. Isagaa iska dhaadhiciyay inuu sheekadaas ku qancin karo cid reer miiya.

Fashilka Labaad

Reer baadiyaha qof aan aqoon laguma daro si uu jid u raaco. Jihada kama lunto reer miyi iyagoo jooga dhul ay deggan yihiin . Haday tilmaamayaan, meel fog la isaga tilmaamaa ; hadalkiis waxa uu xaqiijinaya been abuur . Sida uu u sheegay in “wadada la i soo kala tusay” waa sheeko aan suurtagal ahayn.

Fashilka Saddexaad

Wuxuu sheegay in gabar 13/14 jir ah lagu daray/ la raaciyay, haddana nin uu raacay ayuu sheegay . Taas waa been kale oo iska hor imaanaysa.
Reer baadiyaha gabar iyo nin shisheeye isma raaciyaan, Dhacdo uu isagu goobjoog u ahaa ayuu si muuqata ugu fashilmay sheegideeda.

Fashilka Afaraad

Al-Shabaab qof ka goosanaya marnaba dib uma soo laabto si uu “qori iyo boosh” u soo qaato. Wuxuu ogyahay in isla markiiba la dilayo.
Sidoo kale, qof goosanaya qoriga dowladda uma geeyo, waayo waxay kordhinaysaa shaki iyo cadaawad. Sheekadani dhanka cidiamada ma aha suurtagal.

Fashilka Shanaad

Labada seedi ee uu sheekada mar walba ku celcelinayo waa hal qabsi uu isagu sameystay oo aan jirin. Mar waa saaxiibo uu leeyahay, mar waa rag cadow ah, mar waa dad dulmanahay oo la maceeyay. Laxanka sheekadiisu wuu is duqeeyay, waana sheeko-sameyn aan sal lahayn.

Gunaanad

Ninkan marka la eego hadalkiisa, isku dhex yaaca sheekada, iyo qaabka uu u tabinayo waa mid xiiso leh balse gacan ku samees ah, waxaa laga shakisan yahay inuu yahay shaqsi muhiim ah oo kooxda ku dhex lahaa xil sare, isla markaana ka qeyb qaatay weerarkii Ceeldheer.

Waxaa habboon:
• In si qoto dheer loo wareysto
• In sirdoon ahaan loo baaro
• In magaalooyinka uu sheegay, qoyskiisa, iyo dhaqdhaqaaqyadiisa lagu sameeyo baaritaan buuxa

Waa suuragal inuu yahay amiir sare ama hogaamiye ka tirsan kooxda.

muuqalka waa laba eedeysane, maxkamadu iskuma aadin labada magac sidey u kala leeyihiin,

Maxay kula tahay?