April 6, 2026

GAARI AYAY LA GO’ADAY WADO BOOSANEER LAGA HOOS QODAY,

MUQDISHO: Gaari Ay La Go’day Waddo Kadib Markii Boosaneer Hoosta Waddada Laga Qoday

Gaari ayaa maanta la go’aday waddo ku taalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, ka dib markii waddadu dumo xilli uu gaarigu marayay. Arrintan ayaa la xiriirta culeyska baabuurka oo waddadu aysan u adkeysan, maadaama boosaneer si sharci-darro ah looga hoos qoday isla waddadaas.

Wararka ayaa sheegaya in dhowr wado oo Muqdisho ah sidaan oo kale looga qoday boosaneerro, inkastoo sharcigu si cad u mamnuucayo in hoosta waddooyinka laga fogaado ama laga qodo godad, haddana qaar ka mid ah maamulada degmooyinka ayaa la sheegay in ay dhaqaale ka qaataan milkiilayaasha dhismayaasha dabaqyada, ayna u oggolaadaan tallaabooyin halis gelinaya badqabka waddooyinka.

Khubarada amniga iyo bulshada deegaanka ayaa ka digaya in arrintan ay sababi karto musiibooyin waaweyn, iyagoo tusaale u soo qaatay:
• Gawaarida ciidanka ama masuuliyiinta oo halis ugu jira in waddooyinka ay la go’aan marka la mariyo.
• Qatar amni, maadaama boosaneerrada hoos looga qoday wadooyinka ay noqon karaan goob ay kooxaha argagixisada ku xiraan qaraxyo lala beegsado masuuliyiin ama shacabka.

Bulshada qaar ayaa soo jeediyay in dhaqaalaha lagu qodayo boosaneerrada iyo waddooyinka la jajabiyo loo wareejiyo qorshe amni iyo caafimaad ku dhisan, halkii lagu ogolaan lahaa shaqooyin aan sharci ahayn oo khatar ku ah shacabka iyo gaadiidka magaalada.

Maamulka gobolka iyo laamaha amniga weli kama aysan hadlin dhacdadan maanta ka dhacday degmada Yaaqshiid.