Jaceylkii bahaloobay iyo meyd garaacii…
Yurub ayay uga timid nin Muqdisho jooga oo ay is caashaqeen iyadoo hore usoo kaxeysatay canug yar oo ay dhashay (disable ah ) ,
Gabadhan meyd ahaanta looga tagay xili ninkeeda uu ku dhex gaaracah gurigii ey ka deganaayeen degmada Darusalaam Banaadir waxa ay sheegtey markii horeba iney raali ka eheen meeshan cidla da ah ee uu guriga uga kireeyey,
Hooyadan dhaawaca halista ah loo geestey oo ka timid dalka Holland, guur, jaceel iyo naxariis ayay soomaaliya kasoo doonatay waxana la kulantay halis qatar dhimasho gaari kartay taasoo aynan qiyaasi karin markii hore, waxa ay warbaahinta u sheegtey is-maandhaaf iyada iyo ninka dhex maray kadib in uu gacanta u qaaday isagoona yiri “hadii aan ku waayo qof kale kuma calfan doono” sidaa ayuu ugu bilaabay garaacis, kadibna qol kusoo xirtay isagoo dhagax iyo biro madaxa uga garaacay ilaa iyo uu meyd ahaan kaga tagay,
Dhuunta ayuu kaga qalay wuxu jeebka kala soo baxay, daamanka ayuu burburiyay, madaxada ayuu dhinac dhan ka daloolooliyay ilaa iyo dhiigeeda farqaha ku qaato wuu dul taagnaa, dhor jeer ayuuna hubiyay ma dhmatay mise waa nooshahay,
Tacadiyada haweenka soomaaliya waa caadi marka loo eego dareenka bulshada, qanuunka iyo sharcigana waxa kasoo horeeya odayaal iyo beel, dhaawacan halista iyo dhimasho hadii ay timaado afsoomaali ayaa lagu xalinayaa tan iyo sagaashankii mana joogsan,
oktoober24